Gar soorka gobolka sool oo la dhariyay

 

 


Laascaanood (TNN)-Waxaa kaloo ku wehliyay Gudoomiye ku xigeenka gobolka sool ahna ku simaha Gudoomiyaha gobolka sool maxamed cabdi dhinbiil daad iyo maayarka gobolka sool Mahad canbaashe awdaahir.


waxaana ugu horeyn la dhaariyay Gudoomiyaha maxkamada racfaanka saleebaan  dheer e,iyado uu dhariyay Wasiirka cadaalada jamhuuriyada somaliland.

Iyadoo lagu dhariyay Inuu daacad u noqdo diinta islaamka,dalka iyo somaliland dadkiisana ku maamulo cadaalad.

Sidoo kale Gudoomiya ayaa waxaa uu dhariyay xubnihii kale ee garsoorka oo gadhayay ilaa 9 xubnood.

iyadoo dhamaantood si guud loo wada dhariyay,Sidoo kale gudoomiyaha maxkamada racfaanka ayaa waxaa uu fahfaahin ka bixiyay kiisas ay maxkamadu sanadkii hore ee 2009 soo gaadhay in intoodii badnayd ay dhamaadeen, balse ay jiraan kiisas hadhsan.


waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasiirka cadaalada Somaliland axmed xasan Cali (Casoowe) wasiirka ayaa waxaa uu ku dheeraaday in maxkamada gobolka sool loo ga baahan yahay sidii loo dar dar galin lahaa hawleheeda.


Wuxuu sidoo kalena xusay in baahiyada agab ee haysata maxkamada gobolka sool ay wax ka qaban doonaan.


 




Timacadde News Network TNN
Laascanod Office