Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo Maxkamada Gobolka ugu baaqay inay 7 maalmood gudahood go’aan ka gaadho Natiijadda Doorashada

 



Gar-yaqaanka guud ee Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in komiishanku ay..........


Hargeysa (TNN) – Gar-yaqaanka guud ee dawladda Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa ka hadlay muranka ka taagan natiijada doorashadda ee ka soo baxday gobolka Hargeysa, taa si oo komiishanku u gudbiyey Maxkamadda isla-markaana Maxkamadu dib ugu celisay.

Gar-yaqaanka guud ee Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in komiishanku ay dawladaha hoose ee degmooyinka dalka ku dhajiyaan xildhibaanada ku soo baxay natiijadii hor-dhaca ahayd ee ay hore ugu dhawaaqeen isla-markaana ay liisas kaasi nuqulo ka mid ah Maxkamada siiyaan.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Maxkamada looga baahan inay muddo 7 maalmood gudahoo d ah go’aan kaga gaadho natiijada oo ay ansixiso natiijada loo soo gudbiyey, isaga oo ururada iyo Musharixiinta natiijadaasi dooda ka qabana ugu baaqay inay todobadaa maalmood ka faa’i deystaan oo ay dacwadahooda geystaan Maxkamadaha ay khusayso “Ururadda iyo Musharix iinta ka cabanaya natiijadan waxa la gudboon inay mudada todobada Maalmood ah ka faa’id eystaan oo ay Maxkamadaha dacwadahooda geystaan”ayuu yidhi Gar-yaqaanka guud ee So maliland Ibraahim Iidle Saleebaan.

Gar-yaqaanka guud ee dawladda Somaliland oo maanta u waramayey Wariye Xamse Cali Bul bul oo ka mid ah Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), ayaa Wasiirka Wasaaradda arim aha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) inuu muddo 15 maalmood ka dib marka Maxkama du natiijada go’anka ka soo saarto uu fadhiga ugu horeeya u qabto golayaasha deegaanada ee la soo doortay, si ay iskaga dhex doortaan Maayarka iyo Maayar ku xigeenka degmadaasi “Wasiirka arimaha gudaha waxa la gudboon inuu 15 cisho gudahood uu fadhiga ugu horeeya u qabto golayaasha deegaanka, haddii uu u qabban waayana iyagga ayaa sharci u leh inay qabsadaan”ayuu yidhi.

Hadalka Gar-yaqaanka guud ee qaranka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili la sheegay in Maxkamada gobolka Hargeysa ay komiishanka dib ugu celisay natiijooyin dhowr ah oo ay u gu dbisay, isla-markaana ay muran adag oo wakhtiga uu dhammaanayo aan la ogeyn ka taagan yahay.

 



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland