Geedkii Looga Talin Jiray Miyiga Oo Ay Bedeleen Maqaaxiyo Lagu Mu
rmo Iyo Dumarkii Oo La Rafaadsan Shaqooyinka Qaar Ay Qaban Jireen
Odayaashu.
Isbedelka Ku Dhacay Nolosha Iyo Dhaqankii Miyiga.By:
Mustafe Future
Nolosha dadka somalida ahi waxay ka soo unkantay miyi taasi oo
marxalado kala duwan oo xada arad ah soo martay iyada oo dadku aanay
Aqoon fiican lahayn, barashada cilmiga Quraankana l oo doonan jiray
Meelo fog fog oo masaafo ku qaadan jirtay qofka Diinta baranaya.
Wakhti kastaa Waayihiisa ayuu wataa nolosha bani,aadamkuna
Marxaladdo kala gedisan ayay s oo martaa, waxaa jiray wakhti aanay
dadku haysan Hoy iyo hu’ toona, waxa jiray wakhtiyo bad an oo
Wadanku Barwaaqo soo martay iyo wakhtiyo Abaartu Xaalufisay
Deegaanka.
Nolosha dadka ku dhaqan baadiyahu waxay ku tiirsantahay Xoolaha nool
halka qaarkoodna dhu lka kala soo baxaan Manaafacaadkooda iyo
Maciishada Wadaniga ah ee loo iib-geeyo Magaaloo yinka sida
hadhuudhka, galayda iyo noocyada kala duwan ee khudaarta wadanku
hodanka ku ya hay.
Dulucda Aragtidayda haddii aan u daadagno waxaa jirta isbadal badan
oo ka muuqda Hab-nolole edka Miyiga iyo Deegaankaba, sida la wada
ogsoonyahay baadiyuhu waa halka aynu utirino dhaq anka iyo hiddaha
dadka Somalida ah ee la odhon karo waxay ka fayow yihiin Milanka
dhaqamada kale ee Soo galay Magaalooyinka, kuwaasi oo saamayn ku
yeeshay dhaqankeenii suubanaa.
Dhaqanka Somalidu waxa uu ku tiirsanyahay Diinta Islaamka, waana
dhaqan aad uga Wanaagsan haddii sidiisa loo qaato, waxaa jira
Qaladaad yaryar oo la soo dhex galiyo oo aan ku haboonayn Diinteena
suuban, kuwaasi oo mudan in laga fogeeyo dhaqankeena.
Dadka ku dhaqan baadiyaha ee nolol maalmeedkooda kala soo baxa Baxa
beeraha iyo kuwa ku tiirsan xoolaha nool ayaa siyaabo kala gedisan
uga faa,iidaysta khayraadka ILAAHAY siiyay kuw aasi oo qaarkood ku
badasha waxayaabo aan Faa,iido badan u lahayn, khasaare ba’an oo
joogta ahna soo gaadhsiiya.
Wakhtiyadan danbe waxaa iska badalay dhaqankii iyo noloshii miyiga
Waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, dhaqankii odaynimo, habdhaqankii
Haweenka, dhismihii guri, habmaamuuskii guurka, D eegaankii,
kartidii dhalinyaradda, Weelkii, Agabkii guriga iyo Cuntooyinkii la
isticmaali jirtay ayaa dhamaantood waxaa ku yimi isbedel weyn.
Odayga miyiga ku dhaqani waxa uu ahaa Oday Taliya oo geedka lagu
yaqaanay, waxa kale oo uu ahaa oday karti badan oo Maamulka reerka
ka war haya, beerta ka shaqeeya, xoolaha ka warha ya, kaasi oo lahaa
Maamuuskiisa iyo ixtiraamkiisa, balse maanta waxa uu isu bedelay
Oday aan war u haynin Xaalada guud ee reerkiisu ku saganyahay, waxa
bedelay golihii iyo geedkii lagu og aa, Maqaaxiyaha Daabiyadaha yar
yar ee ku dhaw baadiyaha, kuwaasi oo noqday meelaha ugu wakhti
lumiska badan uguna dhaqaale burburka badan.
Odayga sabankani subaxdii marka uu tooso waxa uu soo kaxeeyaa Neef
ka mid ah Xoolihiisa wax aanu uu u iib geeyaa Magaalada, isaga oo ku
bixiya jaadadka todobaadkaasi uu cunayo waxa uu ka bixin kari waayey
caanaha yar ee ay Haweenaydiisu keento Magaalada.
Xoolaha marka uu maalinba mid dhagta jiido ee hal neef laga waayo
xerada waxa uu bilaabaa in uu maqaaxiyaha ka taliyo, waxaana uu
samaystaa koox afmiishaaro ah oo garta ku goysa mirqaa nka, labadii
ruux ee khilaaf soo dhex galona loo yeedho ka dibna qofka garta laga
helo ganaax lacageed lagu soo rogo, halkaasina ay u noqoto dariiq
kale oo u furma Odaygii miyiga, sidii u ugu sii jiro Noloshii
Mirqaanka ahayd.
Balwadaha Qaadka, sigaarka iyo buuriga ayaa ka mid noqday nolosha
odayga iyo dhalinyarada Baadiyaha, kuwaasi oo ka doorbida
khayraadkoodii kuna bedasha waxyaabahaasi Mukhaadaraadka ah oo
naftoodii iyo xoolohoodiiba burburiyey.
Haweenka baadiyaha ku nool ayaad moodaa in ay Qabtaan shaqadii looga
baahnaa Odayga Ree rka, haddii ay noqoto Maamulkii reerka iyo hawl
maalmeedkii kale ee xoolaha iyo Beerta, taasi oo ay u dheertahay
Caanaha oo ay u iib gayso Magaalada iyo Korriinkii Caruurta, Hawsha
Haweena ydu qabato ayaa ah mid ku culus oo aanay wakhtiyada qaar
awoodi Karin taasi oo aan loo ogayn Waajibka ay isa saartay oo ay u
dheertay Dilmo iyo Daryeel la’aan wakhtiyada ay Xaamilada tahay.
Haweenka ayaa wakhtiyadii hore Samayn jiray Aqal Somali aad u
qurxoon oo aan dhaxan lahayn, maalintiina Qabaw ah oo aan laga
dareemi jirin kulka qoraxda, kaasi oo ka samaysnaa Kabad, Alo ol,
dhigo, udub, jarco, lool iyo hararo xariir ah oo ka kooban isku joog,
todobaale, googoos, shan le iyo seddexle, sidoo kale waxaa iyana ka
mid ah Agabka lagu dhiso Aqal somaliga, kabadda oo dhawr nooc loo
sameeyo sida isku rogan, qurban,caasha cad iyo isku dhafan, waxa
kale oo jira harraro kale oo guriga dhinacyada lag saaro oo kala
ahaa hoos galis, foodsaar iyo gees galis kuw aasi oo laga sameeyo
cawska cad ee loo yaqaano dareemada, juuqada iyo saxatida, waxaase
maanta bedelay Aqalkii noocaasi ahaa mid ka samaysan daasadaha
saliidu ka dhamaato, bacaha waawayn, dharka huga ah ee la tuuro iyo
waxyaabo kale oo la mid ah . kaasi oo aan lahayn dugsoonkii Aqalka
Somaliga la yaqaanay habeenkii iyo raaxadii uu caanka ku ahaa Aqal
Somaligu.
Guurka oo ah isku Xidhka koowaad ee Bulshada kaasi oo lahaa dhaqan
iyo hab maamuus ixtraam badan oo xishood ku dheehnaan jiray waxaanu
isu bedelay mid aan qiimo badan lahayn oo aanay ku jirin tixgalintii
gacalka iyo xigtada, inanta baadiyaha joogta Habeenkii ayaa la
kaxaystaa iyada oo aan Waalidkii dhalay ogayn waxaana la geeyaa
Guriga ninka guurdoonka ah abtigii ama adee rkii, kadibna
subaxnimada ayaa la geeyaa Hibada reerka inanta dhalay, laba
todobaad gudohood waxaa lagu dhisaa Gurigaasi, maalinta todobaad
ayay Sodohdu Xeedhyaha keentaa waxaana ha lkaasi ka dhaca Ciyaaro
aad uga duwan kuwii hore loogu ciyaari jiray Miyiga, waxaa jira
Heeso aflagaado ah oo lagala hortago haweenayda Sodohda ah kuwaasi
oo ay ka mid yihiin “Galaan la saloolay soo sidatooy wallee sac
dhalaanad sii wadin” taasi oo ah aflagaado cad oo lagula kacay
marwadaasi aan waxba galabsan, waxa kale oo ka mid ah erayada cayda
ah ee la isticmaalo “Sal aan iyo sooryo ha iga hadhee Sibrahan
Qaluun saliid mari” ereyadaasi iyo qaar kale oo ka daran ayaa laga
dhigay hees lagu soo dhaweeyay gacalkii ka dib markay keenaan
xeedhyihii iyo wixii ay allaab u sideen Reerka Cusub, waxaa iyana
jira Aflagaadooyin noocaas ah oo lagula kaco aabaha ama sodoga taasi
oo ereyo ka mid ah haddii aynu soo qaadano aad la yaabayso waxa ka
dhacay a meesha sida “Iimaan laawe inanka aabihiiyoow miyaan
oomanoow laguu iman”
La Soco Qaybta Labaad
Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland |
|