Geella-ha komishanka qaranku waxa uu shacabka u cade eyay inaanay
kooxdiisu dhex ka ahayn muranka labada xil
Waayadanba waxa muran ka taagnaa labada xil ee Gudoomiyaha
wakiilada,ahna Gudoomiyaha uru r-siyaasadeedka wadani u sudhan
labada garab inuu sifo sharci ah ku hayo iyo inuu ju-juub ugu
fadhiyo.Waxaanay gaadhay heer ay xisbiyada iyo ururada siyaasadeedka
intoo badani ay fadhiyo kala duwan ka yeesheen,kana doodeen arrinkaa
Gudoomiyaha ururka wadani isla markaana ah Gu doomiyaha golaha
sharci dejinta.
Maanta waxa aan doonayaa inaan aragtidayda ii gaarka ah ka dhiibto
labada xil ee uu hayo Muda ne Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi. Ugu horayn
waxaynu ognahay oo aynu qiraynaa golaha wakiiladu inuu yahay gole
sharci dejinta dalka ka masuul ah.Shacabka Somaliland-na waxay ugu
codeeyeen 82ka xildhibaan ee golaha wakiilada inay dhex u ahaadaan
shacabka una ilaaliyaan hab-dhaqanka shuruucda dalka u taala iyo
inay ansixiyaan xeerarka iyo kaabista dastuurka hadii baahi qaran ke
ento.Markuu sidaa yahay arrinka ay golaha u fadhiyaan waxa sharcigu
tilmaamayaa cadaynta in aanay xor u ahayn 82kaa xildhibaan ka qayb
galka loolanka siyaasadeed ee dibada ka ah golah a ay codka shacabka
iyo codka xisbigii ay ka soo baxeenba ku yimaadeen.Waxakeli ah ee ay
hawsha ay shacabka uga masuulka yihiin u raaca inay toosiyaan ama ay
horjoogsadaan hadii ay dawladu (fulintu) qaado talaabooyin ku lid ah
rabitaanka shacabka.Waxa aan ku raacsanahay xildhibaan Cabdirmaan
Cusmaan oo axadii ka hadlay arrinkaa ku saabsan labada xil ee uu
hayo Mudane Cabdiraxmaan M.Cabdilaahi, kuna tilmaamay inaanay ahayn
xaajo ku haboon geedi socodka golaha wakiilada. Caqliga saliimka ah
ee ku jira muwaadinka dalka iyo dadkaba daacada u ah waa mid
uu ka biyo diidayo sharciyan,waana mid kobcinta ku dhaqanka sharciga
iyo dastuurka dalka u leexin kara mugdi siyaasadeed iyo fadhiidin
kobcinta iyo xoojinta hawlaha golaha sharci dejinta.
Marka aynu dib u jaleecno dastuurka dalka u yaala ee aynu dhinac
iska dhigno nin jeclaysiga iyo taageerida xisbi waxa qodob ka mid
ahi ina farayaa inaanu qofna iskuhayn karin laba xil.Si kale hadaan
u dhigo qofku hadii uu yahay shaqaale dawlada ka tirsan kama qaban
karo dawlada xil labaad ama kale.Marka aynu leenahay "dawlad" mar
waxa loola jeedaa golaha fulinta marna waxa loola jeedaa qaranka oo
ka koobansaddexda waaxood ee kala ah: Golaha fulinta,golaha
garsoorka iyo golaha sharci dejinta.Hadii ay qaabkaa aan u
iftiimayay ka duwantahay waxa xil ka saaran yahay iftiiminta
qodobka dastooriga ah ee tilmaamaya muwaadinku inaanu laba xil ka
wada hayn karin dawlada Maxkamada dastuuriga ah,ahna maxkamada sare
ee dalka.Waayo qodob kale oo distuuri ah ayaa tilmaamaya cida kale
ah ee hadii muran dastoori dalka ku yimaado iftiimin karaa inay
tahay maxkamada dastuuriga ah.Marka hoos loo daadago ee shaqaale
dawladeed ku kaco falalka labada xil waxa iyana masuuliyadi ka
saarantahay hay'ada shaqaalaha dawlada oo iyana xeerarku u
fasaxayaan inay talaabo ka qaadaan.
Waxa hadaba la yaab leh afhayeenka komishanka qaranku inuu
warfaafinta ku cadeeyo mawqif aan dhex ka ahayn arrintaa labada xil
ee muranka dastuuriga ah dhaliyay,ka darane waxa hadal adiisii
ka mid ahaa: (ma hayno sharci Gudoomiyaha golaha wakiilada u diidaya
ama xeer u diidaya inuu laba xil isku hayo).Waa aragti aan looga
fadhiyin komishanka qaranka oo dalka u soo daadi hiyay
doorashada madaxtooyada,loona fadhiyo si dhex-dhexaad ah inuu
daadihiyo doorashada deegaanka oo muddo dheer shacabku u haraadanaa
inay qabsoonto. Waa la yaabe tolow ma kel idii ayaa dastuurka dalka
aqoon u leh mise xeerarka uu Mudane Cabdiraxmaan ku saleeyay ansi
xintooda damaciisa siyaasadeed ee uu ku xaadhanayay jidka uu mari
lahaa ayuu shacabka ku m arin habaabinayaa! Hadalada ka soo baxay
Afhayeenka Komishanka Qaranku waxa ay horseeda yaan muran sharci oo
ka dhasha mudada xil-gudashada komishanka qaranka.
Waxa kale oo Mudane Geelle afhayeenka qaranku hadaladiisu
iftiiminayaan inuu komishanku lid ku yahay go'aanka 5ta urur
siyaasadeed iyo xisbiyadu u gudbiyeen kuna saabsan aragtidooda das
tuuri ee ku saabsan arinka isku haynta labada xil ee Gudoomiyaha
golaha wakiilada.Markay sidaa tahay,kalsooni intee leeg ayaa
shacabka Somaliland ku qabi karaa komishanka qaranku gudasha diisa
doorashada deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto.
Waxa aan ugu baaqayaa shacabka Somaliland inay ka fiirsadaan
sharciyada ay ku fadhiyaan Kom ishanka qaranka iyo inay shuruucda
dalku u saamaxayso inay sii wataan gudashada daadihinta
doorashooyinka deegaanka mar hadii uu afhayeenka komishanka Mudane
Geelle idiin cadeeyay inaanay dhex ka ahayn muranka siyaasadeed ee
dastuuriga ah ee ka taagan labada xil ee uu hayo Gudoomiyaha golaha
sharci dejinta Mudane Cabdiraxmaan.
La soco qaybta 2aad oo aan soo ban-dhigi doono qodobo dastuuri ah.
Allaah ayaa mahad leh.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
|