GEERIDA ISMAACIIL XUSEEN XANDULE (XIIN-JAAN)

 



Waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta, ehelka, qaraabada, asxaabta, xig to iyo xigaalka marxuum Ismaaciil Xuseen Xandule, oo ku geeriyooday shalay 1da Ramadaan 1438 magaalada Hargeysa.

Ismaaciil waxuu ahaa nin aan ilaa yaraantii aqaanay tolniimo iyo saxaabnimaba, in aadeer tol jecel. NIn taariikh yahan ah oo aqoon badan wax badana aan ka faa'ida y. Nin cibaado badan oo ehelu taqwa ah, bulshaawi farxad dadka ku qaabila, ubadkii sa iyo xaaskiisa ehelnimada ay u raacday saaxiibnimo oo aad ula kaftami jiray, taas oo dadkeena ku yar. Waxuu ahaa nin run ku nool oon xaqqa baal marin, nin xalaal q uute ah oon xaaraan ag marin.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa inuu qabriga u nuuro, u waasiciyo, ugana d higo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Ehel, asxaab, xaas, uabad iyo tafiirna wa afajiyo samir iyo duco
 

 


Mustashar Axmed Carwo
samotalis@gmail.com
00252 424 2077