TACSI KA TIMID LATALIYAHA MADAXWEYNAHA JSL EE DHAQAALAHA,GANACSIGA IYO MAALGASHIGA MUSTASHAAR AXMED CARWO

 


GEERIDA Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim

La-taliyaha Madaxweynaha JSL ee Dhaqaalaha, ganacsiga iyo Maalgashiga Mustashaar Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, iyo oday-dhaqmeedka kale iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ku geeriyooday Hargeysa 16 /06/2015. Waxuuna si gaar ah u tacsyadeynayaa reerka uu Suldaanka u ahaa.

waxaanu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka bax ay Alle ha u naxaristee Marxuumku,Suldaanku waxuu ahaa tiir ka baxay hogaanka dhaqa nka kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, iyo ganacsade weyn oo qayb muuqata ka qaatay horumarka dhaqaale ee dalka.

Mustashaar Axmed Carwo waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qabriga u waasiciyo oo uu u nuuro. Innagana dhammaan ina waa fajiyo duco iyo samir.

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/