Geeska Africa Guurtidaynu dheernahay
 

 

Guurtideena dihin
Golahaa dajinaaya
Gobonimada Somaliland
Garashadiyo Go’aankiyo
Goobyaalka Golahaa Nadiifta ah
Gidi Dadwaynaw
Goofka Dunidiyo
Geeska Africa

***********

Golahaa Guurtidaynu dheernee
Gobonimada Gaafkiyo Guurtida
Garashada Guri Nimcaysan
Gabaldhaciyo waagii
Guduutaba Gobonimada
Gaafka halka oogi jiray

***********

Guuxii Golihiyo
Guurtidii Jiidantay
Gunaadkeedu yahay
Gobonimada gantaalaha
Gabi Somalilandeey
Gaaf iyo gabal dhac ayay ahayd

***********

Guurti iyo Nabad bay ahayd
Guurtiyo dedaal ayay ahayd
Guul iyo Dugsi bay ahayd
Guul iyo Garashay ahayd
Gacan iyo wada jir bay ahayd
Gar iyo garashay ahayd

***********

Gabiga Somaliland
Geesigii Gacma dheeriyo
Guul Alley ahayd
Golahaa Ninkii ku riyaaqay
Guluf iyo Colaad buu lahaa
Gardariyo Gaf buu lahaa

***********

Gabi gawracbuu lahaa
Go’aan kaliyuu lahaa
Gabiga Guurtideenaa
Se Guurtibaa tidhi
Gayigayg Somaliland
Gaashaan baan u nahay
Guulaw Guulaw
Guulaw Guul nooga yeel
Guul nooga yeel
Adaa qallinka hayee

 

By: C/raxmaan Axmed C/laahi (Ina Labaale)
Hargeysa, Somaliland