Go'aamadii gudiga dhex dhexaadinta Kulmiye
 


Gudigii dhexdhexaadinta ee beryahan ku hawlanaa soo afjarinta khilaafkii ka dhashay doorashadii musharixiinta xisbiga kulmiye uga qayb gelaya doorashada madaxtooyada ee sanadka danbe horaantiisa la filayo inay dalka ka dhacdo ayaa caawa soo saaray natiijadii go'aamadii ay ka gaadheen khilaafkaas.

Hadaba nuxurka qoraalka oo lagu soo bandhigay xaflad lagu qabtay caawa hotel ambasador ee magaalada hargeysa ayna goobjoog ka ahaayeen dhinacyada uu heshiisku khuseeyey ayaa u dhignaa sidan:

Gudidda dhexdhexaadinta khilaafka golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, oo ay magacaabeen dhinacyadii uu u dhexeeyay khilaafkii ka dhashay doorashadii murashaxiinta shirkii golaha dhexe ee Burco, kalsoonina u siiyay inay sullux iyo isu soo jiidad dabadeed ka soo saaraan go'aan lagu xalinayo khilaafkaas laguna midaynayo Xisbiga iyo golihiisa dhexeba.
GUDDIGU: Isaga oo ka duulaya kalsoonida lagu siiyay dhamaystirka khilaafkaas maskaxdana ku haya in xal waara loo helo khilaafkaa ka dhashay shirkii golaha dhexe ee Burco.

Guddigu isagoo muddo rog-rogayay, dhegeystayna dhinacyada khilaafku u dhexeeyey doodahooda oo murtida gundhigeedu ahaa dhinac leh:

Waa in shirkii golaha dhexe dib loogu celiyo, maadaama laba murashax iyo tiro xubnaha golaha ah oo ka maqan la doortay musharixiintii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga ee doorashada dhaw.

Dhinaca kale oo ku doodayay:Shirkaasi wuxuu ku dhamaaday si sharciga Xisbiga waafaqsan, musharaxiintana lagu doortay, sidaa darteedna lagu celin maayo, wixii kale ee tabasho ah wax ka qabashadeeda iyo xalinteedana diyaar baanu u nahay.

Guddigu markuu baadhis dheer ku sameeyay sidii wax u dhaceen maalintii u danbaysay wuxuu ogaaday in shirka oo furmi lahaa 23/08/2008 maalin dib loo dhigay laba xubnood oo ka maqnaa hogaanka Xisbiga isla markaana uu furmay 24/08/2008. sidoo kale maalintii u danbaysay shirka ay ka maqnaadeen laba musharax oo u sharaxnaa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka iyo taageerayaashooda oo ka cabanayay waxyaabo ay tabanayeen, hase yeeshee aan loo joojin shirka.

Waxay guddiga ula muuqatay in caado shirka lagu soo waday maalintaas aan lagu dhaqmin, taasoo eedeeda ay dusha ka saaran tahay shirgudoonkii golaha dhexe iyo hogaanka Xisbiga.

GUDDIGU: Isaga oo ka duulaya Maslaxadda Xisbiga, tixgelinayana wadajirka iyo midnimada Xisbiga waxa uu soo saaray Go'aamadan:

1.Wuxuu go'aaminayay in go'aanadii ka soo baxay shirkii golaha dhexe ee Burco sidoodii loo daayo, lana Ixtiraamo, marka laga reebo sixitaan iyo dheelitir lagu sameeyo guddiga fulinta ee Xisbiga.

2. Marka qoddobka hore la dhamaystiro ee ay tanaasulaan musharixiinta jagada M/weyne-ku-xigeenka, ee dhinacyada gacanta la isu saaro in la qabto shir xisbiyeed, turxaan bixineed oo xisbiga la isku raaciyo.



SOO JEEDIN:

A) - In mustaqbalka marka Xisbigu talada ku guulaysto uu wax ka bedelo qaab dhismeedka dawladeed ee hadda dastuurku tilmaamayo, isla markaana la abuuro jagada Ra'iisal wasaare awood leh, si talada dalka looga wada muuqdo. Taasoo wax weyn ka taraysa wada jirka iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee dalka. Diyaarinta qaabka uu u isbedelku yeelanayo iyo fulinta xilkaas waxa u xil saaran gudoomiyaha Xisbiga iyo shirgudoonka golaha dhexe, waxaana la galinayaa barnaamijka Xisbiga.

B) - In labada murashax ee aan nasiibka u yeelan in loo doorto jagada M/weyne-ku-xigeenka oo ah Odayaal aad ugu culus xisbiga Maqaam sare laga siiyo hogaanka iyo talada Xisbiga.Guddigu: Isaga oo Ixtiraamaya dhinacyada magacaabay, wuxuu ku talinayaa inay raacaan go'aankan ay danta u arkeen kuna salaysan maslaxada caamka ah ee Xisbiga.

XUBNAHA GUDDIGA GO'AANKA SOO SAARAY:

1. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) -Gudoomiye
2. Maxamuud Ibraahim Axmed (Sandheere) Xog-haye
3. Maxamed Jaamac Cabdi Xubin
4. Shariif Abokor Dhuuxyar xubin
5. Dr. Ismaaciil Cali Jaamac Xubin
6. Eng. Cabdi Biixi Taar-wale Xubin
7. C/laahi Carab Ismaaciil Xubin
8. Sh.Khaliil C/laahi Axmed Xubin.

 

 


Source: Saraar