Gobolka Saaxil oo Baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray Saan-saan colaadeed oo ka taagan

 


Caaqil Geeddi Saleebaan Ismaaciil oo ka mid sallaadiinta gobolka Saaxil, ayaa ka digey isku dhac ka iman kara saan-saan collaadeed oo ka taagan  Degmada Qoyta ee Gobolka Togdheer oo u dhaxaysa qaar ka mid ah beelaha halkaas wada dega oo ku jira diyaar-garow.

Caaqil Geedi, ayaa sidaas ku sheegay Bayaan qaylo-dhaan ah oo uu ka soo  saar ay Magaalada Berbera, taas oo uu kaga digayo xaaladda Collaadeed ee  dhex  mir anaysa laba beellood oo wada dega deegaankaas, isagoo sababteedana dusha ka saaray qaar ka mid Wasiiradda Xukuumadda ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo uu sheegay inay masuul ka yihiin xaallada collaadeed ee ka taagan halkaas, ka dib markii ay farogelin ku sammeeyeen saamigii Maamulka Beelaha wada dega  Degm ada Qoyta oo ay keeneen dad aan deegaanka u dhallan.

Caaqilku waxa uu baaqaas qaylo-dhaanta ah ugu baaqay Xukkuumadda, Hay’ad aha amniga iyo goleyaasha qarankuba inay ka hawlgallaan dejinta xaaladda  colla adeed, isagoo sheegay wixii ka yimaada inay dusha u ridan doonaan wasiiradda farogelinta ku haya maamulka degmadu.

Bayaankaas qayblo-dhaanta ah oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shebekadda  Be rberanews, ayaa isagoo dhammaystiran u qornaa sidan

“Anigoo ah Caaqil Geedi Caaqil Saleebaan Caaqil Ismaaciil, ahna Caaqilka Beesha Cabdalla Qoyan [Ciisa Muuse] waxaan ka digayaa xaallad cusub oo ka soo  koro dhay Degmada Qoyta ee Gobolka Togdheer oo qarka u saaran iska hor imaad ka dhex dhici kara beelaha wallaalaha ah ee ku wada nool degmada, ka dib markii  W asiirro ka tirsan Xukuumadda oo ka soo jeeda Deegaanka Saaxil ay soo  fara  ge liyeen maamulka Degmada, iyagoo ku hawlan magaacaabista dad aan degmada ka soo jeedin oo ay doonayaan inay u dhiibaan maamulk Degmada Qoyta oo ay iyagu dabada ku wataan.

Arrinta farogelinta qaawan ee wasiiradaasi ku hayaan maamulka degmada, ayaa qarka u saaran isku dhac dhexmari karta qaar ka mid ah beelaha deegaanka oo ka cadhaysan tallaabada gardarada ah ee ay wasiiradaasi ku hayaan Qoyta, taa soo dhalisay saan-saan collaadeed oo ka taagan Degmadaas oo haddii aan si  dha khso ah wax looga qaban keeni karta khasaare aan la saadaalin Karin.

Hadaba, waxaan halkan qaylo-dhaan uga dirayaa Madaxda Xukkumadda  Somalila nd, Goleyaasha Qaranka, Hay’adaha amniga iyo Xisbiyadda qaranku inay isha ku hayaan, kana hawlgallaan sidii loo dejin lahaa xiisadda collaadeed ee ka soo  soco ta Degmada Qoyta oo wixii ka yimaadana masuulliyadeeda ay dusha ku qaadi  doo naan Wasiiradda farogelinta ku haya.

Waxaan halkan digniin uga dirayaa wasiiradda iyo shalhsiyaadka ku hawlan  haw laha abuuritaanka nabadgelyo daradu inay ka waan-toobaan, farahana kala  bax anaan hawlaha aan shaqadooda ahayn ee ay ka abbaabulayaan deegaanka ay dadkaas wallaalaha ahi ku noolyihiin.

Ugu danbayntiiw axaan ugu baaqayaa dadka deegaanka Qoyta inay illaashadaan nabadgelyadooda iyo wada-jirkii soo jireenka ahaa ee ay ku wada noolaayeen, islamarkaana ay ogaadaan dadka aan dantooda ka tallinayn ee duullaanka ku ah nabadgelyada, kuwaasoo u muuqda nimman aanay ka muuqana masuulliyad iyo xil-kasnimmo. "

 



Caaqil Geeddi Caaqil Saleebaan Ismaaciil
Berbera Somaliland