Golaha Deegaanka Degmada Baligubadle Oo Doortay Maayar Iyo Maayar Ku Xigeen
 

 

Fadhiga oo ay soo xaadireen xubnaha sadex iyo tobanka ah ee xildhibaanada golaha deegaanka waxaana goobjoog..............

Baligubadle (TNN) - Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Balli-gubadle oo maanta yeesh ay fadhigoodii ugu horeeyey ee rasmi ah ayaa ka dib markii la dhaariyey waxay doorteen Maay ar-ka iyo Maayar ku xigeenka cusub ee ay yeelan doonto magaaladaasi.

Fadhiga oo ay soo xaadireen xubnaha sadex iyo tobanka ah ee xildhibaanada golaha deegaa nka waxaana goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka hawd Jamaal Xuseen Hurre.

Jagada Maayar-ka Magaalada Bali-gubadle ayaa waxa ku tartamay labada xildhibaan ee kal a ah Cabdi Iimaan Jaamac iyo Sacad Xariir, waxaana tartankoodu u muuqday inuu yahay kii ugu kululaa ee illaa hadda soo mara doorashooyinka Mayor-ada cusub ee degmooyinka Som aliland, maadaama hal cod oo keliya lagu kala badiyey.

Xubnaha sadex iyo tobanka ah ee soo xaadiray fadhigaasi ayaa Todoba ka mid ahi waxay Mayor-ka balligubadle u doorteen Md Cabdi iimaan Jaamac taas oo ka dhigaysa inuu noqdo Mayorka magaaladaasi ee 10-ka sano ee soo socda. Halka musharixii labaad ee la tartamayey uu helay Lix cod.

Mowliid Jaamac Yuusuf oo aan cidina kula tartamin jagada Ku xigeenka Maayar-ka ayaa wa xaa u codeeyey sagaal xildhibaan waxana ka aamusay sadex, gudoomiyahuna ma codayn si daana waxuu ku noqon doonaa ku xigeenka Mayorka degmada Balligubadle ee Tobanka san adood ee soo socda.

 



Timacade News Desk
Baligubadle,Somaliland