Golaha Guurtida oo Ansixiyay Ajande Xasaasi ah oo la horgeeyay

 

 


Hargeysa (TNN)- Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta , oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xige enka labaad Siciid Jaamac Cali, waxa madasha ku sugnaa 45 Xildhibaan, waxaana ogolaaday 40 mudane , waxa ka aamusay hal mudane, waxa diiday 3 mudane,GuddoomiyuNA ma codayn.

 Ajandaha Goluhu wuxuu u dhignaa sidan:

“Ajandaa kal-45aad ee golaha guurtidda.

Warbixinta shir guddoonka
Warbixinta guddida joogtada a
Siyaadadda

- Gudaha

- Dibadda

Arrimaha nabadgelyada

- Xalinta khilaafaadka beelaha dhexyaala iyo dhamays tirkooda (sida arrinta Ceeri-gaabo ka jirta) iyo meel kale.)

Arimaha bulshada;


Hirgelinta idaacad dalka wada gaadha
Sixir bararka iyo sidii wax looga qaban lahaa.


La kulanka masuuliyiinta:

Wasiirka Maaliyadda
Wasiirka Duulista iyo Hawada
Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Wasiirka Waxbaashada
Wasiirka Gaashaandiga
Wasiirka Dib u Dejinta


Xeerarka la curinaayo:

Wax ka bedelka iyo kaabista xeerka anshaxa.
Diyaarinta xeerka madax dhaqameedyada
Midaynta mag dhawga laga bixinayo shilalka gaadiidka ee gobollada Somaliland.”