Golaha Guurtidu Waa Inuu Tixgeliyaa Dhibaatada Dalka Ka Taagan Waa In Aanu Tix Gelin Koox Yar, Oo Ku Fashilantay In Ay Wadanka Doorasho Ka Qabato.
 

 

"Nimankan Saaxiibaday Ah Ee Aan Meesha Kaga Imid [Xukuumada] Sharaftooda Iyo Magacoodu Wuxuu Ku Jiraa Haddii Ay In Uun Doonayaan Inay Dhaxal Ka Tagaan"

Wareysi Gaar Ah Cabdilaahi Darawal


Md. Cabdilaahi Xuseen Iimaan [Darawal] oo hormuud u ah mucaaridka Xisbiga UDUB dhexdiisa ayaa Golaha guurtida Somaliland ku eedeeyay inay sharcigii ay ilaalin lahaayeen ee ay iyagu gacantooda ku sameeyeen ay jabinayaan, waxaanu uga digay in ay mar kale wax muddo kordhin ah u sameeyaan xukuumada wakhtigeedii dhammaaday ee Madaxweyne Rayaale.

Md. Darawal, wuxuu sidaasi ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu maanta magaalada Hargeysa ku siiyay Shabakada wararka ee Ramaasnews iyo Wargeyska Jamhuuriya, waxaanu ka hadlay dib u dhaca Komishanku sheegeen in uu ku yimid wakhtigii doorashada madaxtooyada ee hore loogu heshiiyay oo ahaa 29-ka bisha March, waxaanu yidhi "Waxaan doonayaa in aan in yar ka idhaahdo arrimahan taagan imika ee wakhtigii xukuumada ee la kordhiyayna uu hadda soo gabo gaboobay, iyadoo komishinka doorashooyinku caddeeyeen in aanay doorashadu wakhtigeedii dhacayn. Horta waxaan idiin sheegayaa in aanay la yaab lahayn in la maqlo arrintaa, dadkana waxay u noqotay wax caadi ah."

Md. Darawal wuxuu Golaha guurtida ku eedeeyay in markii nabadgelyadii dalku ay taabo gashay ay shaqadoodii noqotay muddo kordhin, mar walba dastuur jabin ah, isagoo arrintaasi ka hadalayay wuxuu yidhi "Waxyaabaha aan anigu la yaaban nahay Golihii guurtida oo wadankan illaa halgankii illaa intii Somaliland ay jirtay wadankan hawlo badan oo dhaxal gal ah ka soo qabtay oo qiime balaadhan ku lahaa dalkan ayaad moodaa markii nabadgelyadii iska sugnaatay oo ay taabo gashay in ay u digo rogteen in kordhin uun shaqadoodii noqotay, oo had iyo goor ay Qodobka 83-aad ee dastuurka dalka xarafkiisa Shanaad ay cuskadaan oo dastuurkeena marka la akhriyo ku ah dastuur jabin dadka baddidiisu u arkaan, qodobkaasi wuxuu sheegayaa nabad gelyo darro iyo aafooyin uun in lagu kordhin karo. Iyagu laakiin mar kasta ay shraciga si caadi ah u jabiyaan iyagoo sabab ka dhiganaya dawlad la’aan ayaanu ka cararaynaa."

"Golaha Guurtidu waxay iloowsan yihiin inay dhiiri gelinayaan in sharciyadii dalka la jabiyo, taas oo aad moodo inay gaadhsiisay xukuumada imika oo saddex jeer oo hore loo kordhiyay, markii u horeysay ee la saaray meesha Madaxweynahan ee marxuumkii Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu dhintay, waa la kordhiyay hal sano ayaa lagu daray.

Doorashadii 2003-dii 82-maalmood ayay kordhiyeen, Sanadkii 2007-kiina hal sano ayay ku dareen, saddexduba waxay ahaayeen qayrul dastuuri sababtu waxaa weeye Qodobka ay cuskadeen ma qeexayo waxay u cuskadeen, wuxuu qeexayaa nabadgelyo darro iyo aafo midna ma jirin, balse iyagu waxay yidhaahdaan dal baanu badbaadinaynaa."Ayuu yidhi Md. Darawal.

Wasiirkii hore ee caafimaadku wuxuu sheegay in Guurtidu dastuurkii ay dalka u sameeyeen ay iyagu gacantooda ku jabinayaan, waxaanu yidhi "Madaxweynuhu Saxaafada ayaabu ka yidhaahdaa si aan gabasho lahayn markii la yidhi dastuurka ayaad jabisaa dastuurka ma jabiyee Qodobo aan micno lahayn ayaan iska il-duufaa, waayo wuxuu arkay in maalin walba qodob dastuuri ah la jabinayo, oo Guurtidii sharci dejinta ahayd ee la rabay inay sharciga ilaaliso ayaa jabinaysa.

Ta kale waxay ilowsan yihiin in xuquuq dad leeyahay ay ku tumanayaan bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay shan sano markay dhamaataba in ay cid kale doortaan oo ay la xisaabtamaan, bulshadaas dhana inay xuquudoodii dhaawaceen ma dareensana. Waxaanay darreensanayn axsaabta mucaaridka ah ee dastuuriga ah ee shantaasi sanadood u soo halgamaysay inay xukuumada kula tartamaan doorashashada, kuwaasna xuquuqdoodii way ku tumanayasaa."

Md. Darawal wuxuu guurtida ku eedeeyay in aanay dhuuxin xeerarka iyo qodobada dastuurka dalka ee la xidhiidha muddaynta wakhtiga xukuumada iyo qodobada la xidhiidha la xisbaabtanka xukuumada.

"Golaha guurtida waxaan leeyahay waxaa la idiin arkaa cid badhna sharcigii akhriyaysa badhna duudsiyaysa, dadka xaq looguma leh nin saddex jeer loo korodhiyay oo xaq u lahaa inuu shan sanadood Madaxeyne ahaado in la yidhaahdo mar kalena ha loo kordhiyo ummadda xaq looguma leh, axsaabta xaq looguma leh oo dalka xaq looguma leh, laba Sanno ayuu dalku doorasho u dal-dalnaa, dadkan waxay u baahan yihiin dawlad la doorto oo dhaqaajisa, waxaynu arkaynaa sicir bararka, maceeshad xumadda ka jirta dalka."Ayuu yidhi Md. Darawal.

Cabdilaahi Xuseen, oo ka hadlayay dadkii dhawaan laga dhacay lacagaha ku jiray mashruucii fadhi ku dhereg la magac baxay, wuxuu yidhi "Waxaynu arkaynaa dadkii oo xataa Tuugi dhacayso, oo maanta inta lacagahoodii si been been ah looga gurto cirka loo dirayo oo aad arkaysaan in Somaliland oo dhammi ku wareersan tahay oo qoysas dhammi ku baaba’een, waxaynu arkaynaa dhalinyaradii oo baddaha ku dhamaatay oo wada tahriibtay, dee dadkaasi waxay u baahan yihiin dawlad la doorto oo wax u qabata.


Golaha guurtidu waa inuu tixgeliyaa dhibaatada maanta dalka ka taagan waa inaanu tix gelin koox yar, oo ku fashilantay inay dalka doorasho ka qabato oo ay xilkoodii ka soo baxaan, dadkuna imika wuu darreensan yahay ee ha ogaadeen, waxaana loo arkaa gole u taagan oo u fadhiya inuu wax kordhiyo mooyaane aan wax kaleba qaban."


Md. Darawal, oo la hadlayay xukuumada uu ka tirsanaan jiray wuxuu yidhi "Nimankan saaxiibaday ah ee aan meesha kaga imid maanta sharaftooda iyo magacoodu wuxuu ku jiraa haddii ay in uun dhaxal ka tagaan iyagoo maanta is casila oo yidhaahda mar haddii aan ku guuldarraysanay in aanu doorashadii qabano waanu is casilnay taasi ayay sharaf ku yeelan lahaayeen. Ta dadku ka sugayaana waa taas. Guurtidana waxaan leeyahay waa la idin daawanayaaye ama sidiinii yeela ama noqda dad dalkan u garsoora."


S: Mudadan imika dhammaatay sidee ayay xalku kuugu muuqataa in laga yeelo?


J: Xal ahaan waxay anniga iigu muuqataa, Annigu waan u sheegay oo waxay u sharaf waynaan lahayd, oo sharaftooduna ku jiri lahayd , Dalkuna uu ku badbaadi lahaa oo ay magac ku yeelan lahaayeen iyagoo is-casila oo labada shir-gudoon ee Goleyaasha Baarlamaanka u dhiiba, haddii ay taas diidaan waxaan u arkaa uun niman doonaya in ay xoog wax ku haystaan.


Golaha guurtidu ma xisaabtamaan oo qiimayn ma sameeyaan, markay kordhiyaan ma dabo galaan, marka dambe ee ay doonayaan in ay wax ku daraan qiimayn ma soo ban dhigaan, oo cid dambiga ma saaraan, ha ogaadeen markay maalin walba kordhinayaan inay nabad-gelyadii xumaynayaan, waxa lagu wada joogaa waa sharciga.


 




Ramaasnews