Golaha Wakiilada oo Cod Aqlabiyada ku laalay Go,aankii Komishanka iyo xukuumada
 

Hargeysa, (Longlivesomaliland news)Fadhigii maanta ee golaha wakiilada S omaliland ayaa xildhibaanadu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen mooshin ku sa absanaa in ay xukuumadu ka noqoto tallaabadii ay dalka kaga eeriday  mas uulkii Hay’ada Inter peace iyo go’aankii ay komishanku ku laaleen diiwaan gelinta codbixiyayaasha.

Fadhigan oo uu guddoominayay guddoomiyahah golaha wakiilada  Somalilan d C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro), ayaa ahaa mid guud ahaanba aanay ka soo xaadirin mudanayaasha xisbiga Udub. Waxa madasha ku sugnaa 41 mudane, hal mudane oo kooram buuxiya ayaa la sugayay muddo ku simman seddex saacadood ah, iyada oo seddex saacadood ka dib ay dhacday  anisi xintii go’aankaasi.

Markii ay mudanayaashu dhagaysteen nuxurka doodii golaha oo ay ka qayb qaateen 29 mudane, C/raxmaan Cirro, ayaa mudanayaasha u akhriyay  go’ a anka golaha kaasi oo ka koobnaa afar qodob ooo kala ah:

1. in go’aanka guddiga doorashooyink ku jideeyeen doorasho bilaa  diwaan gelin ah kuna laaleen natiijadi ka soo baxday diwaangeinta codbixiyayaasha aanay ahayn mid sharciya isla markaana ka baxsan awooda sharci ee  komi shanka qaranka Somaliland.

2. in guddiga doorashooyinka qaranku iyo madaxweynuhu ay si deg dega  u ga noqdaan go’aankaas, kuna dhaqmaan xeerka doorashooyinka  madaxto oyada iyo degmooyinka.

3. in golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland isaga oo xeerkiisa  dastuu riga ah adeegsanaya ay talaabo ka qaadan hadii aanay madaxweynaha iyo komishanku ka noqon go’aankoodaas.


4. in xukumada Somaliland ka fogaato talaabo kasta oo xumayn karta  xid hiidhka beesha caalamka iyo kan Somaliland, kuna dadaasho wanaajita xidhiidhka somalilnsd si aanay u dhaawacmin rajadii ictiraafka Somaliland.


Waxa go’aankaasi ogolaaday 39 muddane, laba mudane waa ay diideen 1 mudanena waa ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codayn.

Waxa fadhiga ka maqnaa mudanayaasha xisbiga udub. Inkasta oo ay  jooge en gudaha kaamboolka golaha hadana waxa mudanayaashii ay diideen in ay soo fadhiistaan hoolka shirarka iyo doodaha ee golaha wakiilada.

Mudanayaashan ayaa ku doodayay in ansixinta arintani ay tahay sharci daro. Waxaanay intii ay mudanayaashu ansixinayeen go’aanadan  mudanay aashaasi ay ka daawanayeen daaqadaha.

Waa markii ugu horaysay ee golaha wakiiladu uu sida maanta kala jabo oo mudanayaasha goluhu iyaga oo jooga hadana ay ka soo xaadiri waayaan fadhiga. Dhinaca kale doodan maanta ay ansixiyeen ayaa ahayd doodii ugu balaadhnayd ee ay mudanayaashu ka qayb qaateen. Waxa doodan ka qayb qaatay 29 mudane. Doodii tan ku xigtay ayaa ahayd tii ay kaga doodayeen Miisaaniyada sanadkan 2009 iyada oo ay ka qayb galeen 25 mudane.

Sidoo kale waa markii ugu horaysay ee mudanayaash ay ku gaadhaan ilaa 12-ka duhurnimo. Waxana hore u dhici jirtay in markaaba shir-guddoonku uu soo xidhi jiray fadhiga hadii uu kooramku buuxsami waayo.





Mustafe Future

Longlivesomaliland News Media
mccfuture@longlivesomaliland.com
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland
00252-2-4423109