Golaha Wakiilada oo Laga Wado Mooshin Maamuuska Lagag Xayuubinayo W.
Arimaha Dibedda
Golaha Wakiilada oo laga wado mooshin maamuuska lagag Xayuubinayo W.
Arimaha Dibedda
Hargeysa Feb 13, 2011 (TNN)-War
uu Wargeyska "Yool" ka helay Ilo lagu kalsoo yahay, ayaa sheeg
ay in koox tiro badan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu
wadaan Mooshin ay ku damac san yihiin in maamuuska qaran laga
qaado Wasiirka Arimaha debadda, oo isagu ka qayb galay Shir Kooxaha
Soomaaliya loogu qabtay dalka ingiriiska.
Xildhibaanadan mooshinka wata oo tiradooda lagu qitaasay dhowr iyo
afatan Mudane, ayaa sida uu Wargeyska "Yool" u sheegay Mudane
codsaday inaan Magaciisa la shaacin, waxa ujeedada mooshin
koodu uu salka ku hayaa ka qaybgalaka shirka kooxaha Soomaali-weyn
ee magaalada London lagu soo gabaga beeyay iyo eeda labaad oo ah la
xidhiidha kadib markii ay is waafiqi waayeen nuxukii ka soo baxay
shirka iyo hadaladii uu ka sheegay War-baahinta, kuna sheegay in
Somaliland shirka ku joogto Qaab la mid ah kan ay ku jogaan
dawladaha siyaasada Soomaaliya daneeya oo kale.
Waxa kaloo wararku intaa ku darayaan, in kooxda mooshinkan wada ay u
badan yihiin Xildhibaanadii isbedel-doonka ahaa ee hore Golaha
horkeenay Mooshinkii muranka badan dhaliyey eeku saabsanaa waxa-ka
bedelka Xeer hoosaadka Golaha iyo mooshinkii ka horeeyey ee lagu
xadidayey Mushaharka Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee Qaranka.
Sidoo kale, mooshinkan hadda laga dhawaajiyey, kuna saabsan
maamuuska xayuubinta Wasiirka Ari mha Debadda, ayaa haddii uu
u fulo sida sharcigu dhigayo, waxa ay talaabadaasi noqondoontaa mid
ay karaamo weyn ku helaan Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu, sidoo
kalena waxa ay noqondoontaa mid ka maydha tabashooyin iyo dhaliilo
farabadan oo Bulshadu u haysay, kuwaasoo qaarkood dhax
alsiiyeen Xildhibaanadda in dadweynahu ka qoomamoodo doorashadoodii.
Haseyeeshee, waxa Xildhibaanadda mooshinka wata, iyagana looga
baahan yahay in ay iska dhaaf aan inay eedahooda ku khaldaan
siyaasado kale iyo shakhsi nacayb, isla markaana ay ku koobnaa
daan oo kaliya awoodha sharci ee u fasaxaya mooshin oogidda, sidaa
awgeed-na ay doodoodu noq oto mid salka ku haysa ilaalinta
shuruucda dalka, maadaama uu jiray sharci ay labadda Gole ee
Baa rlamanku hore uga soo saareen ka qayb galka shirarka
Soomaali-weyn.
Sharcigaasoo dhigayey in qof kastoo Somaliland u dhashay, kana qayb
gala shirarka loo qabato Ko oxaha Soomaliya uu yahay danbiile
Qaran, maadaama uu ku talaabsaday talaabo lid ku ah Madax-banaanida
iyo Gooni isu taaga Jamahuuriyadda Somaliland.
Source: YOOL
|