Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Miisaaniyada Sanadeedka 2012

 



Miisaaniyad Sanadeedkan ayaa sanadkii hore ka badan.........


 

Hargeysa (TNN)- mudaneyaasha Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey Miisaaniy ad sanaadeedka 2012.

Miisaaniyad Sanadeedkan ayaa sanadkii hore ka badan 23%, iyada oo maalmihii aynu soo dha afnay mudaneyaasha Golaha Wakiiladu ka doodayeen ansixinta iyo wax ka bedelka miisaaniya dani.

 

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda Somaliland ee ay ku ansixiyeen Miisaniyada Qaranka ay aa waxa Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyada oo xildhibaanada ka soo xaadiran fadhigan ay tiradoodu dhameyd 57 Mudane.
Waxa ogolaaday miisaaniyad sanadeedka 2012-ka 37 Xildhibaan, waxa diiday 19 Mudane, wa xa ka aamusay 1 Xildhibaan. Guddoomiyuhuna muu codayn.

 

Miisaaniyad sanadeedka dawladda dhexe ee Somaliland waxa odoraskeedu dhan yahay 639,369,240,470 taas oo 23.19%, waxaana ku jira mashaariic horumarineed oo ku wajahan addeegyadda bulshadda gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashadda.
 

 

 


Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland