Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyey Laba Xeer Oo Bulshadda Muhiim U Ah

 

 

 



Fadhigan oo uu Shirguddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax.........


Hargeysa (TNN) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa maanta ansixiyey laba Xeer oo kala ah Xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka iyo Xeerka Waddo marista.

Fadhigan oo uu Shirguddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakii ladda Baashe Maxamed Faarax, isla-markaana ay soo xaadireen 42 Mudane, ayaa wa xa mudanayaashu cod u qaadeen labadaas xeer oo mid walba gaar loogu codeeyey.

Xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka waxaa uogolaaday 35 Mudane waxaa diiday 2 M udane waxaana ka aamusay 4 Mudane Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay xeerka baadhista iyo ilaalinta Hilibka.

Xeerka labaad ee ee waddo marista waxaa ogolaaday 35 Mudane, Waxaa diiday 1 M udane waxaana ka aamusay shan Mudane, Gudoomiyahuna ma codayn sidaasna waxaa ku ansaxay xeerka waddo marista Somaliland .

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golahaasi Md Baashe Maxamed Faarax ayaa mud anayaasha ku wargeliyey in maalinta sabtida ah ee soo socota Goluhu yeelan doono fadhi balaadhan oo ay cod ugu qaadi doonaan ansixinta Wasiirrada Madaxweynuhu dhawaan magacaabay.


 



Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland