Golaha Wakiiladda Oo Loo Qaybiyey Qodobada Heshiiskii Dhex -Maray Somaliland Iyo Soomaaliya
 

 


Baashe Maxamed Faarax ayaa Xildhibaanada loogu qaybiyey Lifaaqyada ka ......


Hargeysa (TNN)-Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa loo qaybiyey lifaaqa uu ka kooban yahay heshiisyadii ay Dawlada Somaliland iyo Dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia ku wada gaadheen dalalka Ingiriiska Iyo Isu tagga Imaaraatka carabta.


Fadhigan oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Xildhibaanada loogu qaybiyey Lifaaqyada ka soo baxay labadaasi kulan ee ay wada yeesheen labada dal ayaa ka dambeeyey soo jeedintii beesha caalamka ee shirweynayaashii London iyo Stanbul ee lagu go’aamiyey in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda.


Kulankii labada dhinac ee ka dhacay 20-kii ilaa 21-kii June Caasimadda dalka Britain ee london waxuu ahaa mid heer farsamo, halka Kulankii kale ee 28 June ka qabsoomay dalka isu tagga imaaraatka isla markaana ay ku wada kulmeen Madaxweynaha dawladda Ku meelgaadhka ah ee Somalia iyo Madaxweynaha JSL.
Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa falanqayn ka soo yeelanaya labada heshiis ee ay labada dhinac ku soo gaadheen labadaasi kulan.
 

 


Khaalid Xaabse
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland