Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Cod Aqlabiyadd Ah Ku Meel Mariyay Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiista.

 

 



Xeerkan ayaa golaha ka dhex abuuray buuq iyo sawaxan, waxana ay mudanayaashu ku kala qa ybsanyeen siddii loo ansixin lahaa isla markaana loo meel marin lahaa Xeerka kala wareejinta maxaabiista.



Hargeysa (TNN)- Golaha wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku meel mariyay xeerka kala wareejinta maxaabiista, ka dib markii golaha xeerkan la horkeenay maanta isla markaana ay durbaddiiba guda galleen habkii ay u ansixin lahaayeen xeerkan.

Kala fadhiga golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa waxa ka soo xaadirey 50 Xildhibaan.

Xeerkan ayaa golaha ka dhex abuuray buuq iyo sawaxan, waxana ay mudanayaashu ku kala qaybsanyeen siddii loo ansixin lahaa isla markaana loo meel marin lahaa Xeerka kala wareejinta maxaabiista.

Xubno ka mid ah xildhibaanadda golaha wakiiladda Somaliland ayaa soo jeediyay in laga dodo xeerkan isla markaana la naaqisho, waxana ay intaas xildhibaanaddani ku dareen in loo baahan yahay in laga baaran dago xeerkan, iyaga oo intaasi raaciyay inaan loo baahanayn in la dadajiyo sidii loo ansixin lahaa, waxana xildhibaanadda diidanaa ansxinta xeerkan ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblle, Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali (Bukhaari).

Dhanka kalle waxa jirey xildhibaano ogol in la ansixiyo xeerkan isla markaana loo baahan yahay in isla maantaba la meel mariyo.

Balse dood dheer iyo sawaxan kadib mudanyaasha golaha wakiiladda Somaliland ayaa cod gacan taag ah u qaadey inta ogol in dood dheer laga yeesho xeerkan iyo inta ogol in xeerkan isla maantaba loo codeeyo, waxana ogoladaay in xeerkan cod loo qaaddo maanta 32 Xildhibaan, halka 5 Mudanena ay diideen, 12 Xildhibaana way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codeyn.

Intaas ka dibna waxa laysla qaatay in xeerkan la ansixiyo, waxana ogolaaday in uu xeerkani ansaxo 32 Muddane, 5 Xildhibaana way diideen, 13 Xildhibaana way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaasna waxa ku ansaxay xeerka kala wareejinta maxaabiista.


 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office