Golaha Wasiiradda Oo Ansixiyey Odoroska Misaaniyad Sanadeedka Qaranka

 

 


Miisaaniyad sanadeedkan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Wakiiladda Somaliland si ay u meel........


Hargeysa (TNN) - Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Guddoo minayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lagu ansixiyay odor oska Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013-ka.

Shirkan Golaha Wasiirrada ka dib ayaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Sa leebaan Dhuxul oo tafaasiil kaga bixiyay odoraska miisaaniyadda la ansixiyay oo uu tilma amay inay ku jiraan mashaariic badan oo horumarineed.

Afhayeenku waxa uu sheegay in odoraska Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013 ay dhan tahay 125 Milyan oo Dollar, taasi oo ka badan 17% miisaaniyaddii kal-hore oo dham ayd 106 Milyan oo Dollar.


Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sheegay in miisaaniyadani ay ka badan tahay tii sann adkii 2010-kii xiligii Rayaale 140%.

Miisaaniyaddan waxa ku jira mashaariic badan oo ay ka mid tahay bixinta darajooyinka kala duwan ee ciidammada, kor u qaadista waxbarashadda, caafimaadka, waddooyinka iyo dar-dargelinta siyaasadda dibadda iyo juhdiga qadiyadda ictiraaf raadinta.

Miisaaniyad sanadeedkan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Wakiiladda Somaliland si ay u m eel mariyaan ka dib marka ay dhagaystaan warbixinta Wasiirka maaliyadda isla markaana ay yeeshaan dood ay ku naaqishayaan odoraskan.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland