Golahani Laba Garab Wuu Ka Weyn Yahay

 

"Golahani laba garab wuu ka weyn yahay khilaafkii soo kala dhex gala yna waala turxaan saaray, waxaanala iskuraacay in si siman loogu  sh aqeeyo QarankaGuddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan

Guddoomiye golaha Guurtida Md;Saleebaan Maxamuud Aadan  (Sale ebaan Gaal) ayaa sheegay in fadhigii albaabadu u xidhnaayeen ee goluhu shalay ka yeeshay xalinta khilaafaadka kasoo laba kacleeyey golaha dhexdiisa uu gebi ahaanba gole waynuhu iska turxaan bixiyey wixii isqabada ee ka dhex jiray isagoo intaa ku daray in golaha Guurtidu is fahan guud ka gaadhay sidii qaranka oo wada jira loogu adeegi lahaa, tilmaamayna in ajandayaasha golaha hor yimaada ee lagu kale aragti duwanaadaana tahay dhaqanada Baarlamaanada, balse aanay ahayn buu yidhi in goluhu ku kala tago kale  duwaaans haha xaga aragtida ee danaha guud ee qaranka.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay Haatuf xafiiskiisa ugaga xog waramayey kulan albaabadu u xidhan yihin oo goluhu shalay ka yeeshay khilaafaad cakiran oo ka dhashay fadhigii axadii oo goluhu dood xasaasiya ka yeeshay xaalada guud ee nabadgelyada dalka, taas oo mudanayaasha muxaafidka ahi ay doodaasi uga faa’iidaysteen durista go’aanadii guddida golaha Guurtidu ay ka soo saareen shaqaaqadii deegaanka Ceelbardaale, taas oo mudanayaashu carrabka ku dhufteen, islamarkaana ku difaacaan sharciyada go’aanadaasi taas oo fadhigii isniintii uu guddoomiye Saleebaan gole waynaha usoo jeediyey in fadhi xidhan oo turxaan bixina goluhu iskugu yimaado maalintii salaasadii shalay.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Gaal oo guddoominayey fadhiga albaabadu u xidhnaayeen ee goluhu shalay ka yeeshay khilaafaadkaasi oo wargeyska Haatuf kulankaa ka dib uga xogwaramay natiijada uu ku dhamaaday kulankii turxaan bixinta iyo waxyaabaha u goluhu kaga wada hadlay fadhiga albaabadu u xidhnaayeen ayaa isagu nuxurka kulankaasi ku sheegay in gole waynuhu ku soo afjaray khilaafaadkii soo laba kacleeyey gabi ahaana ay ku guulaysteen inay soo afjaran wixii ismaandhaaf ah ee jiray isagoo guddoomiyuhu arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ fadhigii doraad uu goluhu yeeshay ayaa waxoogaa ismaandhaaf ahi golaha ka dhex abuurmay, dabadeeto si khilaafkaasi loo damiyo ayaan golaha usoo jeediyey in goluhu fadhi xidhan oo turxaan bixina uu ka yeesho arrimahaasi, sidaa darteed gole waynuhu waxa uu fadhigiisa ku turxaan bixiyey wixii khilaafka ama curfisa ee jitay, waxaanu ku guulaysanay inaanu soo afjaro wixii ismaandhaafa ee dhex yimid waxaanu isku raacay iskuna waa faqay in si mudaysan qaranka loogu adeego, hadal iyo murti goluhu wuu ka midoobay waanu turxaan saaray wixii isqabada ee jiray”ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

S: maadaama goluhu laba garab ugu kala qaybsamay go’aankii muddo kordhinta madaxweynaha ilaa hadana kala qaybsanaantii qadiyadaasi ay golaha kasii dhex muuqato sidee goluhu xilkiisa u gudankara hadii kale qaybsanaani jirto?

ta kale goluhu ma xaliyey khilaafkii ka dhashay fadhigii axadii mise waxa uu turxaan bixiyey khilaafaadkii jiray?

J: Horta golaha Guurtidu waa gole baarlamaan in aragtida ajandayaasha laysku qabto ansixintooda oo lagu kala aragti duwanaadaa waa dhaqanada baarlamaanada, aakhirkana waxa lagu kala baxaa cod, waxaanse kuu sheegayaa goloha guurtidu laba garab iyo saddex garab uu ka weyn yahay oo waa gole baarlamaan, guud ahaana goluhu wuu ku guulaystay inuu xal u helo waxaanu ku midoobay inuu qaranka wada jir ugu adeego.

Fadhigan ay alaababdu u xidhan yihiin oo uu shalay yeeshay golaha guurtidu ayaa waxa uu ka dhashay fadhigii axadii oo lagaga hadlayey nabadgelyada oo golaha xiisad ka kiciyey, markii la soo hadal-qaaday shaqaaqadii Ceelbardaale ee dhex martay dadka dega deegaanada Gebilay iyo Dila, iyada oo ay golaha guurtida ka muuqatay kala qaybsanaan ka dhalatay muddo kordhintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kaas oo uu goluhu si weyn ugu kala aragti noqday.
 


Haatuf