“Gooni isku-taagga Somaliland waa mid ku yimid rabitaanka S hacabka lagamana laabanayo,”Madaxweynaha Somaliland ,Axmed Max'ed Maxamuud (Siilaanyo)

 


Gooni-isku-taagga Somaliland waa mid ku yimid rabitaanka shacabka mana laga laaban karo, waayo ma ahan mid lagu dhawaaqay oo keliya, balse waa go’aan shacbi,” ayuu yiri Siilaanyo oo intaas ku daray in ...............


Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlayay caawa xaflad lagu xusayo 53-sano guuradii kasoo wareegtay markii gobollada waqooyiga ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Ingiriiska oo ka dhacaysa madxtooyada Somaliland ayaa sheegay in gooni-isku-taagga Somaliland uu ku yimid rabitaanka shacabka oo aan laga laaban karin.


Siilaanyo ayaa hadalkiisa wuxuu jawaab u ahaa hadal uu madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay isla xafladdan oo kale oo xalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay soo dhaweynayaan midnimada Soomaaliya ayna sameynayaan tanaasul walba oo ay taasi ku suuro-galayso.
“Gooni-isku-taagga Somaliland waa mid ku yimid rabitaanka shacabka mana laga laaban karo, waayo ma ahan mid lagu dhawaaqay oo keliya, balse waa go’aan shacbi,” ayuu yiri Siilaanyo oo intaas ku daray in sidii uu gooni-isku-taaggan ku suuro-geli lahaa uu ku daaday dhiig fara badan.


Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inaysan diyaar u ahayn inay dib ula midoobaan Soomaaliya inteeda kale, isagoo xusay in Somaliland ay go’aan ku gaartay inay noqoto dowlad gooni ka ah Soomaaliya ayna dhabbahaas ku socon doonaan.
“Midowgii Soomaali horay u dhexmaray waa halkiisa, balse maanta waxaan nahay dowlad gooni u taagan, mana doonayno inaan dib ula midowno Soomaaliya, go’aankeenuna waa sidaas,” ayuu Siilaanyo hadalkiisa raaciyay.


Xasan Sheekh oo ka hadlayay midnimada Soomaaliya ayaa xalay yiri: “Waxaan diyaar u nahay inaan la imaanno wax idinka dhaqa oo idinka daweeya dhibaatada aad tirsanaysaan. Waxaan idinkana idinka doonaynaa inaad noo dabacsanaataan oo wixii shalay dhacay sidii aanay u soo noqon lahayn aan uga wada shaqeynno.” Hadalka madaxweynaha Soomaaliya iyo jawaabta Siilaanyo uu bixiyay ayaa muujinaysa in Somaliland ay weli ku adkeysanayso inaysan dib ula midoobay Sooamaliya, halka dowladda Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto in dib midnimadii Soomaaliya loo helo.


Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa khudbadiisii xalay ku sheegay inay sii wadi doonaan wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, inkastoo uusan soo hadal qaadin madaxweynaha Somaliland uu si guud mar ah uga hadlay wadahadallada u dhexeeya maamulkiisa iyo dowladda Soomaaliya.
26-kii Juun, 1960-kii ayay ahayd markii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, lagana taagay calankii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed magaalada Hargeysa, waxayna 01-dii Luuliyo 1960-kii la midoobeen gobolladii Koonfureed oo xorriyadooda ka qaatay gumeysigii Talyaaniga.


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland