GOONI ISKU TAAGA SOMAALILAND WAA MUQADAS LAMANA IIBIN KARO.

 



SIYAASADA ICTIRAAF RAADINTA SOMALILANDNA WAA MID TALO WADAAG U BAAHAN


Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan ummada Somaliland. Salaan ka bacdi waxaan halkan kaga ha dlayaa Wasiirada Xukuumadda Kulmiye iyo shirkii ay kaga qayb galeen ee dalka tukriga.

Wasiirka arimaha dibada mawqifkii uu shirka ku galay wuxuu u muuqday mid cad wuxuuna istaagay me el adag laakiin Aqoonta iyo aragtida wasiirada iyo kooxda xukuumadu dooratay oo aan lagu soo xulin tayadooda oo lagu xulay u habrashada inta yare e talada dalka isku koobtay ee madaxwaynaha hoos fadhida oo haysta awoodo ka sareeya Dastuurka ayaa sababay in go’aano jilicsan oo kuwii hore ka liita ka soo baxaan.Waxaa jira koox gudida ka mid ah oo u habranaya dana gaar ah ama dhaqaale raadis ah.Waxaan rumaysnahay in arinkaasi yahay waxa saldhiga u noqday in loo soo xambaariyo wax aan u cuntami Karin meel ka dhacna ku ah Ummada iyo qaranimadaSomaliland. Xukuumada Kulmiye gaar ahaa n kuwa madaxwaynaha ka ag dhow waa kuwo ku jira dhaqaale urursi gooni isku taaga iyo ictiraafka Somaliland na ka door bidaya dhaqaale urursi. Waxay ku doodaan in madaxwaynaha Somaliland wax k astaa ka go’aan. In xukuumada oo keliyi dooran karto cidda ka qaybgalaysa shirarka dhaqaale urursiga dadkana ugu sheegaan ictiraaf raadinta Soomaliland. Haddii hadalkaasi been yahay xukuumadu ha sheegto:

1) hal qodob oo ah ictiraaf raadis oo ku jira qodobada ay la soo gurya hoydeen.

2) Waftigii ka qaybgalay shirku ha beeniyo oo ha ka hadalaan hadalka ka soo yeedhay madaxwaynaha Somaliya markii uu baarlamaankiisa la hadalayey isaga oo cadeeyey in lagu heshiiyey raadinta midnimada Somaliya.

Maanta waa wax laga naxo in madaxwaynaha Somaaliya ku faano in Somaaliland ogolaatay in xamar dib loogu noqdo. Xukuumada Siilaanyo hogaaminiyo waa inay qaadacdaa wixii wadahadal ahaa ee socday ilaa madaxwaynaha Somaliya ka bixiyo xaal kana noqdo hadalka riyada ah ee uu xamar kaga hadaaqay. Waxaan ku talinayaa:

1) in xukuumadu ogolaato in ictiraafka Somaliland loo raadiyo si wada jir ah taas oo ku cad Dastuurka Somaliland qodobkiisa sagaalaad.

2)in wax ka bedel lagu sameeyo siyaasadda raqiiska ah ee wax ka soo naasa cadi jirin, iyo in xooga la saaro dhismaha dalka iyo sugida xuduudaha Somaliland.

3) in la joojiyo wadada fudud ee xukuumada kulmiye banaysatay, cidii Xamar la shirtana maxkamad la geeyo ciqaabna mutaysato.oo xeerkii xukuumada kulmiye baabiisay dib loo soo nooleeyo.

4)In wada hadal lala yeesho marka la helo dawlad dadwaynuhu soo doortay oo ka talisa Somalia oo dhan .



ALLAA MAHAD LEH



MAHDI JAMA ROBLE