GUD JAAMACADAHA HARGEYSA & CAMUUD OO KU EEDEEYEY XUKUUMADA INAY HAYSTO LACAGO AY LAHAAYEEN
 

“Anagoo lacag la’ ayaanu Wasaaradihii ka soo saari la’aanahy Todoba iyo Sodon Kun oo Doolar ( 37’000&)….”Prof. Xuseen C/laahi Bulxan
“Madaxwayne ku Xigeen taasi Afmiishaarayan baanu wax ku soo wadnay ee imika in Lacag ha lanala Raadiyo…” Prof: Saleebaan Axmed Guuleed .

Hargeysa Kulan lagaga hadlayay sidii qorshe loogu samayn lahaa  Dhakha at iirtii dhawaan ka qalin jabisay Jamacadaha Hargeysa iyo Camuud ayaa Shalay lagu qabtay Hutelka Maansoor ee Hargeysa.

Kulankaas oo ay ka qayb galeen Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland  Axm ed Yuusuf Yaasiin , Wasiiru Dawlaha Caafimaadka, Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada iyo Mudanayaal ka socda labada Gole, Haya’daha Cawiya  Caafim aadka iyo Marti Sharaf kale oo lagu soo casuumay Ayaa waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyayaasha Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud, Ardaydii Dhakhaatiirtii Qalin jabisay waxaanay dhamaantood si qotodheer uga  had leen Duruufihii kala duwanaa ee ay soo mareen Kuliyadaha Caafimaadku, iyagoo ka waramay baahida keentay iyo Mustaqablka sidii loogu faro  ada ygi lahaa Dhakhaatiirta ka soo baxda

Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Xuseen C/laahi Bulxan oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay dhibaato wayni ka haysato Xaga  Dhaqa alaha isaga oo eedo badan u soo jeediyay Wasiirada, Maaliyada, iyo  Baa nka, kuwaasoo uu ku tilamaamay inay kaga maqan tahay Lacag badan oo ay damaanad qaadeen Bixinteeda iyo Kharashkii Miisaniyada ugu jiray Jaamacada 2008 iyo 2009ka waxaana ka mid ahaa hadadiisii “Arday gii waxaanu leenahay Kalaaska ma soo gali kartid.Waxa jiri jiray Ardaygu marka uu Imtixaanka Galayo in la odhan jiray ma gali kartid ilaa aad Fiiga bixisid, Isbaaray ahayd waa Dayday, Dayday Eryanay, markaa Nidaamkii in aanu badalno ayaanu ku talabsany oo waa inaan la duudsiyin Ardayga xaqiisa waana in aanu isna duudsiyin Xaqii lagu lahaa.

Ardaygii markaan Idhaahdo keen lacagtii, ayaa Wasaaradi soo diraysaa Liisas odhanay Ardaygaas anagaa Lacagtiisa Bixinaynee ha hadhigto Jaamacada, intaan hayo Liis Jaamacadu ay ku leedahay Wasaaradah Tiro ma leh.

Anagoo lacag la’ ayaanu Wasaaradihii ka soo saari la’aanahy Todoba iyo Sodon Kun oo Doolar ( 37’000&), Maaliyada inta wakhti igaga luntay Tiro ma leh, Baanka iska dhaaf inta aanu Waraaqo gaynay ee aanu leenahay waar lacagtii na siiya.

Dawladu Lacagtii ay noo qoondaysay Sanadkan maahee kii ka horeeyay baanaan Lacagtiisii haysan, Jaamac waxa uu leeyahay Waraaqahaa anigu ma aqbalayo, Maliyaduna waxay odhanaysaa Waraaqahii baa naga lumay, waanu ku soo celinaa, anigu waxaan taganahay markaa Sharcigeeda iyo Dhibaatada meeshaa ka jira in aanu nidhaahno Ardaydaa waanu  Kansalg araynay weeyaan, ma wadi karno Marka uu Wasiir na leeyahay Liiskaasi anigaa bixinaya oo siduu ku soo saaray anigu ma ogi, Cadaalduu ku soo saaray anigu ma ogi, Liis Dad buu soo qortay, wuxuu yidhi Wasaaradaa ka bixinaysa, Wasaaradina ma bixinayso, Agoonkiina waxaanu leenahay Lacagtii keen hadii kale ma gali kartid Kalaaska.

Hada ka dib anagu Jaamacadaasi sida kaliya ee ay ku soconaysaa waxa weeyi Wasiirna ka aqbali mayno in uu Dad keeno, Fiiga iyagu waa in ay keenaan, wax maamul ah oo laysku sheeganayaa ma jirto, Agoonka  marka an cadaadinayo waxaa weeyi Ninkale kuma dhaafayo awood, September marka la gaadho Ardayga Bixinaya Fiiga ayuun baa dhiganaya waayo in door ah ayaanu ka aamusnayn.”.

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pr: Saleebaan Axmed Guuleed oo isna ka hadlay Kulankaasi shalay ayaa sheegay in ay in badan ka soo  shaqaynay een sidii ay u suurto galin lahaayeen in ay Dhakhaatiirtani Ummada u soo baxaan, iyaga oo ka walacsanaa bilawgii in ay Suurto galayso arrintani, lakiin lagaga baxay dhiiranaan, basle imika loo baahan yahay Nidaam iyo Qorshe ay ku socdaan in loo sameeyo waxaanu yidhi:

“Waxa laygu yidhi markaanu iskuulka Camuud furaynay 2001kii ayaa laygu yidhi Sideed iyo Sagaashan (98) Dakhtar ayaa Somaliland jooga, Lix iyo Afartan (46) Hargeysay Joogeen, Afar iyo Tobana Borama ayay joogeen, Afar iyo Tobana Burco ayay joogeen, Dalka inta kale way Dhakhaatiir la’ayd, Gabilay bay laba joogtay wax Degmo ah, inta kale ee Somaliland bilaa Dhakhtar bay ahayd, xaladaa waxa ku jiray inteena Magaalada joogta, miyigu waxba ma haystaan, waxaynu Magaalada ku cunaynaana miyiga ayay ka yimaadaan.

Markaa waxa la yidhi Sideed iyo Sagaashankaasi ama way dhiman ama way dhoofi ama wax Illahay baa iska jira, markaa in la soo saaro Dhakhaatiir  cu sub ayay ahayd arrintaasi waayo Nidaamkiibaa baaba’aya, maanta tii way taagan tahay, waanu soo saarnay anagu Dhakhaatiirtii Madaxwayne ku Xigeen in la hawl galiyaa bay u baahan yahiin, way Da’ yar yahiin, intaynu jirno Saddex Laabkeed bay noolanayaan, Diyaar bay u yihiin Shaqo, waxa an soo jeedinayaa in aynu dhaqaajino Nidaamkii Caafimaadka waayo waa Arrin Qaran maaha Arrin Wasaaradeed, Iskuulada lagu sameeyay Gaabkii Banaanaa waa in la joojiyaa, waayo Indho adayg ayaynu ku soo wadnay, Tii ku socon maysee waa in ay Qorshe ku socotaa, in waxbarasho loo diro Dhakhaatiirtaasi oo ay Dibadah u baxaan si ay Aqoontooda u sii  korodhsa daan, waayo Dariiq baanu u furnay aanu arrintaa ku suurto galinayno, Qaarna waanu dirnay Qaarna balan baa loo qaaday, Madaxwayne ku  Xigee n taasi waxay u baahan tahay waanu Afmiishaaraynay imika in Lacag lanala Raadiyo, waa in Maamulka Caafimaadka la hagaajiyo, gaar ahaan Cisbitaalada iyo Meelaha Adeegyada lag qabanayo.”

Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo munaasibadaasi ka qayb galay ayaa ku booriyay Maamulka labada Jamacadood in aanay ka niyad jabin Duruufaha jira oo loo samro isaga oo balan qaaday in uu wax ka qaban doono Cabashadooda si taa loo helana in loo samro, Nabad galydan la ilaaliyo waxaanu ka digay in ay Dhalinyaradu ku fikiraan in ay u  tahriib aan Dibadaha waxaanu yidhi: “Anigu Todoba Sano ayaan Xafiiska joogay, Todobadaa Sano way yartahay cid talo iila timaadaa Kunkii Qof, Qofbaa waxaa qabo i yidhaada inta kale keen mooyee waxa kale malaha, amaanka ha la ilaaliyo, wadan aan amaan lahayni ma horu maro, Kursiga Saddex Nin ama Lix Nin baa isku haysta, idinkaa ah Dadwaynahii in aad idinku Geer Culus ku qabataan weeyi, Ujeedadeenuna waa in ay noqtaa Jiritaanka Somaliland.

Qurbe Ninkii arkay uun baa arkay waxaan aad uga naxaa markaan arko Aabo Ilmahii uu dhalay u Iibinaya Gurigii uu lahaa inan Tahriibaya, halkuu ku socdaa, adigoo Dhakhtar ah markaad maanta qabato dibada Gaadhi uun baad masaxi doontaa, si aad u hesho quutal Daruurigaaga, Degriigaaga lama yaqaano, PHD gaagana lama yaqaano, waxaad noqonaysaa uun Ninkaa Gaadhiga masaxaya.

Qof kasta oo dibad tagaa wuxuu soo noqdaa isaga oo Kamarad iyo Labtoob sita isagoon gambo haynin, ee waxba yaanu idin dawikhinin, waxa uu qataa waa sadaqa, Dadka horumaray ee Sadaqadaa soo siiyay way shaqaysteen ee waa in aynu inaguna shaqaysanaa”.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta  Som aliland oo sheegay in ay Dhakhtiirtu Somaliland Hiil iyo Hooba la garab  tagn a ayeen si ay u soo saaraan Dadkii badali lahaa oo uu sheegay in  tayad ooda iyo Aqoontooduba ay aad u heersarayso, inay ka dhiseen dhinaca akhlaaqda , waxaanu balan qaaday in ay sii wadayaan Taageerada ay  siina yaan.


Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Dhakhaatiirta ka Qalin jabisay Labada Jaamacadood oo ka warbixiyay Duruufaha kala duwan ee ay wax ku soo barteen iyo mudadii ay Tababarka ku jireen waxyaabahii ay ku soo arkeen Goobahii Caafimaadka ee ay ku soo qadanayeen Tababarada waxaanay sheegeen in ay jirto baahi wayn oo loo qabo sidii loo dardar galin lahaa in la daryeelo Shacabka, iyaga oo balan qaaday dhib kasta oo ay ku qadanayso in ay u adkaysanayaan sidii ay ugu adeegi lahaayeen Bulshadooda, kula nkaasi waxa iyaguna ka hadlay Hormoodada Kuliyadaha Caafimaadka ee Hargeysa iyo Camuud, Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Qaar ka mid ah Hay’adaha Caawiya Kuliyadahaas, waxaana halkaaa loogu mahad naqay Agaasimayaasha Cusbitaalda Hargeysa iyo Borama oo lagu  tilma amay in ay si wayn u Gacan qabteen mudadii ay Dhakhaatiirtaasi ay Tababarka ku jireen.

 



Source: Wargeyska Waaheen