GUDAGALKII GEESIYAASHII SNM EE HARGEYSA BISHII MAY 31, SANADKII 1988

 

Maalin walba waxaan marnaba ka guureyn xiska muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo damiir fayow lahaa gudagalkii Burco ee May 27, 1988, iyo Gudagalkii Hargeysa ee May 31, 1988. Waxa ay xasuus dheer u leedahay Mujaahidiintii Ciidanka xoreynta SNM khaas atan ciidankii qaybaha 12 ee Madiina iyo 31 ee Maka lagu wanqalay oo ka qaby galay haw l galkii cuslaa ee Hargeysa iyo Burco lagu xoreeyay.

Xuska sanad guurada 29aad ee ka soo wargeetay guda-galkii hargeysa iyo burco…Hadaba xiligaasi oo ku beegnaa heshiiskii kelidii taliye Afweyne Barre iyo Mengistu Hayle ay ku gaadheen dalkan Jabuuti ee uu Xasan Guleed dhexdhexaadinaayay, waxa bishii Apri 4, 1988, bilaabmay fulinta heshiiskaa oo dhigaayay in la kala fogeeyo ciidamada xuduudaha degen, ayna kormeeraan madaxdii qabyta 26aad oo ahaa ciidankii faqashta ee fadhigoodu ahaa hargeysa iyo galbeedkeeda iyo saraakiisha qaybta hararge ee bariga Itoobiya. Waxa u bilowday labadii dawladood ee Somalia iyo Itoobiya booqashooyin, iyo dawladii Itoobiya oo ku amartay ciidamadii SNM in ay ka soo baxaan jiida hore ee xuduuda, laguna soo xareeyo xeryo hub ka dhigis ah oo ku yaala gudaha dalka Itoobiya. Sidoo kale waxa ciidamadii SNM ay ka joojisay dawlada Itoobiya dhamaan taakulayntii saanada iyo shidaalka ee ay Itoobiya hore u siin jirtay.

Waxa kor u kacay niyadii ciidamada Somalia amaba af-weyne oo ku hamiyay in ciidamada SNM ay u qabysami doonaan wax xuduuda ka soo talaaba oo is soo dhiiba iyo wax xeryaha Itoobiya ku abaada. “ lakiin kumay darin in tii Ilaahay maqantahay, SNM talo meel u taalo”. Waxay ciidamadii faqashtu bilaabeen hawlgalo ay degdeg ah oo ay ku naafaynayaan cududa ciidamada SNM eek u sugnaa xuduudaha dushooda.

Taliyihii qaybta 26aad ee la odhan jiray Morgan “ Cabdi Bille”, oo la hadlaayay saraakiisha iyo ciidamadiisii duulaanka ku soo qaaday ciidankii SNM ee fadhigoodu ahaa tuulada Cabdi Yusuf isagoo la dardarmaayay ayaa waxa uu yidhi .” Waa tiro yar oo gaajoonaysa ma haystaan tekniko, mana jirto taakulayn xaga danbe uga imanaysa, shaqo labaad oo dhinaca galbeedka ah ayaa isku wakhti hawlgalkiinu bilaabmayaa, waa in aad qoorta ka soo wada xidhxidhaan, si ay kuwan gudaha joogaa ugu quus qaataan.

Dagaalkaas oo ay guusha meel sii dhigteen faqash may mahadin. Waxa uu hawlgalka hargeysa saddex malmood ka danbeeyay markii ciidamadii SNM ee qaybta 12aad ee Madiina ay weerar culus ku hilaaciyeen magalada Burco, kaas oo ahaa May 27, 1988, iyaga oo ciidamada cadawgu ay ka war hayeen duulaanka ciidamada SNM eek u soo maqan. Faqash waxay dadweynihii hargeysa iyo burco sareen culaysa xad-dhaaf ah waxay xasuus aan go’ayn u leedahay dadkii xiligaa joogay hargeysa iyo burco.

Waxa ciidamadii faqash la soo safay wadooyinka iyo xaafadaha hargeysa, burco, gabilay, Berbera, shiikh ceerigaabo, iyo tuulooyin fara badan. Waxay suuqyada iyo guryahag hortooda ka ugaadhsanayeen dadka meelahaa maraaya sidii ugaadha. Waxay magaalooyinkaasi muquurteen bandoo aan habeen iyo maalinba kala go ahayn.

2:00Am ee habeenimo ee May 31, 1988 ayaa magalada hargeysa ku baraarugtay sanqadha rasaasta ciidamada SNM eek a hilaacay fadhiisimaha qaybtii 26aad ee hargeysa. Mujaahid Mohamed Cilmi Samatar, Mujaahi Ibraahim dhagaweyne, Mujaahid Muse biixi, Mujaahid Ahmed dhagax, Mujaahid Xuseen dheere, Mujaahid Cabdiraxmaan Aw-cali , Mujaahid Abdillahi Askar , Mujaahid Cabdirxmaan Xuunsho iyo mujaahidiin fara badan ayaa ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay hawlgalkii hargeysa, halka ay ka burco hogaaminayeen Mujaahid Ahmed Mire, Mujaahid Mohamed kaahin, Mujaahid Mohamed cali, mujaahid muse bidaar, mujaahid xasan kayd iyo mujaahidiin kale oo badan.

Hawlgalkii hargeysa ee May 31 oo ku began maanta lagana joogo mudo ah 29 sano oo wax ka waydiiyay labada mujaahid ee Muse biixi iyo Ibraahim dhagaweyne , xasuusta in ay swir kooban ka bixiyaan maalintaa iyagoo arintaas ka jawaabaaya waxay yidhaahdeen:-

“ Maalintaasi waxa ay ku beegnayd mudo ay sanad ka soo wareegtay dilkii Mujaahid Adan sh. Maxamed “ Adan shine” oo May 31 1987 lagu dilay jigjiga, waxay ahayd malin adag, waxay ahayd malin la kala doortay geeri iyo nolol, waxay ahayd maalin ciidamadii SNM iyo shacabkoodiba nolosha naceen, kana door bideen in ay huraan naf iyo maalba. Waxay ahayd go’aan shacbi ka dhiidhiyay dulmi, waanay ka midaysnaayeen shacabkii iyo SNM gudo iyo dibadba.

Fulinta go’aankaas adag waxa ku suntanaa ciidamadii xoreynta SNM oo si dhiiran u fuliyay , oo midhaheediina noqday xoriyada Somaliland ee maanta la wada hadhsanaayo Ilaahayna how na xariisto intii ku shahiiday, inta noolna caafimaad iyo cimri dheer Ilaahay ha siiyo….Amiin

 

 

ANIIS CABDILLAHI CIISE

SOMALILAND ADVOCACY GROUP

WASHINGTON DC..USA