Guddida Arrimaha Guddaha Golaha Wakiiladda Oo Beeniyey War Laga Baahiyey Xeerka Sirdoonka Qaranka

 


Xog-hayaha Guud ee Guddida Arrimaha Gudaha Golaha wakiiladda Xildhibaan..........


Hargeysa (TNN) - Guddida Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Xeerka Sirdoonka Somliland oo ay Guddidaasi kala shireen Taliyaha Ciidan Sirdonka, kaas oo ay Warbaahinta Qaar sheegeen inuu Taliyaha Ciidanka Sirdoon Jaamac Bootaan ka codsaday inay Guddidu qodobada qar ka saaraan Xeerka, taas oo ay sheegeen inaanay waxba ka jirin arint aasi.

Xog-hayaha Guud ee Guddida Arrimaha Gudaha Golaha wakiiladda Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxa med Maamac (Cabdiraxmaan Xoog) oo Maanata shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland oo uu ku wehelinayey Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, ayaa waxa uu sheegay inaanay wararkaas waxba ka jirin oo ay wargayska Haatuf oo warkaasi qoray ka rabaan caday nta warkaas.

Isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan shirkan Jaraa’id u qabtay inaan warka as beeniyo, waxaan iudiin sheegayaa inaanuu warkaasi ahayn mid xaqiiqo ah, waxaan idiin sheeg ayaa inaanuu taliyuhu naga codsan wax ku saabsan xeerka in laga saaro, waxanu la hyeelanay shir aanay warhbaahintu waxaba ka ogayn oo aanuu ku ballanay inaan warbaahinta la siinin, wa ayo waa hay’ad sirdoon oo looma baahna in warbaahinta la geliyo.”

Cabdiraxmaan Xoog oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray“Agaasimaha Sirdoonku waxa uu la mid yahay sida hay’adaha kale ee Madaxa bannaan, laman ansixiyo oo sharciga ayaa dhiga, wargeysku ma sheegin meesha uu ka soo xigtay, waxaana cad inuu warkaasi yahay been la dhoo dhoobay, mar qudhana afkiisa kamay soo bixin ka saara xeerarkaasi, waxanu ka codsa naynaa inay xaal siiyaan qolada wargeyska haatuf taliyaha Ciidanka Sirdooon, anagna waxba maxkamad gayn mayno.”

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland