Guddida Caddaalada Oo Isku Shaandhayn Ku Samaysay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka

 



Guddida Caddaalada Somaliland ayaa qoraal ay maanta soo saareen, waxay ku sheegeen isku shaandhaynta..............


Hargeysa (TNN) - Guddida Caddaalada Somaliland, ayaa isku shaandhayn ku samaysay Gudd oomiyayaasha Maxkamadaha Gobolada dalka qaarkood, waxayna isku badashay Guddoom iyayaasha Maxkamadaha.

Guddida Caddaalada Somaliland ayaa qoraal ay maanta soo saareen, waxay ku sheegeen is ku shaandhaynta lagu sameeyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha dalka, gaar ahaan Gob olada Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Gabiley.

Qoraal uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaarada Caddaalada Somaliland, ayaa u dhignayd sidan:

1. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Ma roodi-jeex waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.

2. Guddoomiyihii rafcaanka Saaxil Cali Suudi waxa laga dhigay garsooraha maxkamadda rafca anka Hargeysa.

3. Guddoomiyihii maxkamadda degmadda Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beer-geel) waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda Gabilay.

4. Guddoomiyaha maxkamada Degmada Hargeysa loo Magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid

5. Guddoomiyihii maxkamadda gobolka gobolka Gabilay Feysal Cabdilaahi (Dhaga-dhago) waxa loo Magacaabay Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi-jeex

6. Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka maroodi jeex Cabdirashiid Maxamed Duraan waxa laga dhigay guddoomiyaha maxkamada rafcaanka Gobolka Maroodijeex

7. Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Saaxil Ibraahim Aadan Yaasiin waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal

8. Guddoomihii maxkamadda gobolka Awdal waxa la geeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.
 

 



Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland