Guddida Taakuleynta Abaaraha Somaliya Oo Ka Warbixiyey Halka ay marinayaan Ururinta Taakulada loogu Deeqayo Dadka Abaa ruhu Ku Saameeyeen Somaliya iyo Habka Loo Gaadhsiin Doono Dadka Tabaalaysan.

 

 

 


Shahaado Sharaf ayaa halkaasi lagu gudoonsiiyey Wakiilka Somaliland ee Xajka Sh. Axmed Aa dan (Safino)



Hargyesa (TNN)-Guddida Xukuumadda Somaliland u xil saartay taakulaynta Abaaraha Somaliy a ayaa ka warbixiyey halka ay marinayaan ururinta Lacagta lagu caawinayo dadka Abaaruhu ku saameeyeen Dalka Somaliya.


Guddida Taakuleynta Abaaraha Somaliya oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Hoolka shirarka ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa faah faahin ka bixiyey Waxyaabaha u qabsoomay intii ay ku gud o jireen hawsha ururinta lacagta lagu taakulaynayo dadka Abaaruhu saameeyeen ee ku dhaq an Somaliya.


Wakiilka Xajka Somaliland Axmed Aadan (Safiina) oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ka w arbixiyey safar uu ku tagay Xeryaha Qoxoontiga Somalidu degen tahay ee Kenya, isaga oo til maamay in xaalada bani aadaminimada ee uu halkaasi ku soo arkay ahayd mid uu aad uga jidh iidhicooday, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Muwaadin Wadanka Sucuudiga u dhashay ayaa Abaaraha Somaliya ugu soo deeqay 100 neef oo Geel ah, waxaanu laabatan ka mid ah ku qaln ay Somaliland gudaheeda, Sideetankii kale ee Neefna waxaanu ku qalnay meelaha ay abaaru hu ka jiraan, anigu shakhsiyan waxaan tagay Magaalada Nayrobi taariikhdu markii ay ahayd Todoba iyo tobankii Bishan Ramadaan, Culimada iyo Guddidu way naga war haysay ka Somalila nd ahaana waanu u baxnay iyo ka Culumo ahaanba waxaanu tagnay Magaalada Dhadhaab oo aanu ku qalnay shan iyo toban oo geel ah, markii hore waxaanu ugu talo galnay Xerada Ifo inaanu ku qalno labaatan neef, laakiin Culumadii halkaa joogtay sida Sheekh Umal ayaa nala taliyey inaanu meelaha ay dadku soo lugaynayaan oo ay caruurtoodu iyaga oo xataa aasi kari waayey kaga imanayaan inaanu ugu qalno shan neef oo ka mid ah, waxaana nala dedaalay Guddiyo badan iyo Wasiiradda Dawladda Kenya, waxa meesha ka jira walaalayaal hadaad aragtaan aad iyo aad ayaa loola yaabayaa oo markii hore ee aanu ku sii soconay waxaanu ku jirnay xaalad caadi ah, balse markii aanu aragnay dadka dhibta haysata mid walba goonidiisa ayuu murugo u galay”.


Guddoomiyaha Guddida Taakulada Abaaraha Somaliya oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Somalila nd Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaanu ka war bixiyey hawsha urur inta taakulada Abaaruhu halka ay marayaan, isaga oo sheegay in ururinta lacagaha loogu dee qayo dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku dhaqan Dalka Somaliya ay meel wanaagsan mar ayso.


Axmed Xaaji Cali Cadami Guddoomiyaha Guddida taakulaynta Abaaraha Somaliya ahna Wasii rka Gaashaandhiga Somaliland, waxa uu fariin u diray dadka Qurbo jooga, isaga oo ka codsad ay inay ka soo qayb qaataan taakulaynta loo geysanayo dadka Abaaruhu ku saameeyeen Dalkaasi Somaliya, isaga oo Wasiirku mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Masuuliyiinta Dawla dda Kenya oo uu ugu horeeyo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalkaasi Faarax Macalin.
Wasiirka oo ka warbixinaya halka ay u marayso ururinta Taakulada loogu deeqayo dadka Aba aruhu ku saameeyeen Dalka Somaliya waxa uu yidhi “Hawsha Ururinta Taakulada abaaraha Somaliya waxa ay noo maraysaa meel wanaagsan, iyada oo ay jiraan dad badan oo si fiican uga gacan geystay hawshan, waxaananu ku rajo weynahay in Ciida ka dib aanu gaadhsiinayo dadkaasi hormadii ugu horeysay ee taakulada loo geysanayo dadka ay abaaruhu ku saamee yeen Dalkaasi Somaliya”.


Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Cismaan oo isna halkaasi ka hadl ay ayaa sheegay in Xukuumaddu ku deeqday intii ugu horeysay ee ururinta taakulada loo ge ysanayo Somaliya, isaga oo xusay qorshe loogu talo galay in Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Da w ladda la doonayey in Bishooda wax lagaga intii loogu talo galay wax laga dhimay, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa ganacsatada gacanta ka geysat ay hawsha ururinta taakulada Abaaraha Somaliya, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Xuku umadda oo wax laga bixiyey khasnada Dawladda gun dhig uga dhigtay taakulada Abaaraha, markii hore waxaanu ugu talo galnay inaanu Shaqaalaha Dawladda ka jarno 10%, balse mark aanu eegnay Ramadaanta iyo Ciida inagu soo foolka leh waxaanu ka dhignay 5%, laakiin waxa sidoodii noqonayana Mushaharka labada Gole Baarlamaan oo laga jarayey 20% iyo Golaha Wasiirada oo laga jarayey 30%”.


Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Maxamed C/laahi, Gu ddoomiyaha Hay’ada Geeska Afrika Sh. Maxamed Cali Geedi, Sh. Maxamed Cali Gadhle iyo Xild hibaano kala duwan, waxaanay dhamaantood dadka ka codsadeen inay ka qayb qaataan taa kulaynta dadka Abaaruhu ku saameeyeen Dalkaasi Somaliya, iyaga oo xusay inay u noqonays o cidii la baxda Sako iyo Sadaqaba.


Shahaado Sharaf ayaa halkaasi lagu gudoonsiiyey Wakiilka Somaliland ee Xajka Sh. Axmed A adan (Safino) iyo Ganacsadihii soo diray boqolka geela oo uu u guddoomay Wakiilku.
Ugu dambeyntii Guddida oo la weydiiyey Su’aal ahayd bal in Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland booqasho ku tegi doonaan Dalkaasi, Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku Jawaabay “Arintaasi maaha mid aan anigu ku odhan karo cidaa ayaa tagaysa laakiin imika waxaanu w adnaa hawsha ururinta taakulada taasina taladeeda waa lagu jiraa oo cidii tageysa waa la go’aamin doonaa”.
Fadlan wixii takuleyn ah ee aad ka geysanayso waxaad ku soo hagaajin kartaa


1. Baanka Somaliland Shiling: 574
2. Baanka Somaliland Dollar: 575
3. Lambarka Telesom ee Adeega Zaad: 4760006
4. Lambarka Dahabshiil : D23795
5. Lambarka Qaran: 2398
6. Lambarka Salaama: 60024309.
 

 




Sacad Muuse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland