WAR-SAXAAFADEED

 

 


Guddiga Qabanqaabada 18 May ee UK

Xuska 18 May ee 22 guurada madax-bannaanida Somaliland

Guddiga Qabanqaabada xuska 18 May ee 22 guurada madaxbannaanida Somaliland wa xay soo abaabushay munaasabad ballaadhan oo loogu dabbaal dagayo munaasabadd an qaaliga ah. Munaasabaddan waxa lagu qabanayaa garoonka Kubbadda cagta ee B arnet football club. Waxaana munaasabadda ka soo qayb geli doona wafti culus oo uu hoggaaminayo Madaxwayne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirax maan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Dadweynaha reer Somaliland ee UK iyo Yurub waxaanu ku guubaabinaynaa in ay mun aasabaddan taariikhiga ah ka soo qayb galaan kuna muujiyaan qarannimadooda iyo w adajirkooda. Munaasabaddu waa mid carruur iyo cirroolaba loogu talagalay soconna doonta galin hore iyo galin danbe.



Goobta xaflada: Barnet Football Club, Underhill Stadium,
Barnet Lane, Barnet, EN5 2DN

Wakhtiga 1pm – 9pm
Taariikhda Saturday 18 May 2013
Gaadiidka ugu dhaw Barnet Tube Station ( Northern line) 5 daqiiqo oo socod ah ayuu garoonka u jira



Qiimaha galitaanka xafladda £10 qofka weyn - £1 carruurta
Wixii kharash ah ee ka soo baxa munaasabadda waxa loogu deeqayaa mashaariic lagu caawin doono caruurta agoonta ah ee Somaliland.

Barnaamijka munaasabaddu wuxuu isugu jiri doonaa ciyaarta kama dambasyta ah ee kubbadda cagta oo dhex mari doonta laba kooxood oo reer Somaliland ah oo kuwada ciyaari doona stadium-ka kooxda badisana koob la guddoonsiin doono, madaddaalo ca rruurta loogu talagalay, khudbado ay soo jeedin doonaan waftiga Madaxwayne ku xi geenka iyo marti sharaf kale, gabayo , heeso waddaniya iyo ciyaaro hidde iyo dhaq an ah.


Waxa iyana munaasabadda innagala soo qayb gelli doona qaar ka mid ah saaxiibada Somaliland ee Baarlamanka Britain iyo marti sharaf kale.
Wixii faahfaahin ah ee Ku saabsan munaasaadda fadlan kala soo xidhiidh tilifoonnada hooos ku qoran ee Guddiga qabanqaabada:

07588570023, 07412157863, 07852740664, 07506150800,
07957504122, 07506339736, 07951016681

Waxaan rajaynayenaa in ummadda reer Somaliland ee UK iyo dhammaan Yurub-ba munsaabaddan qiimaha wayn leh soo camiraan si fiicanna uga soo qaybgalaan.
 

 


Waad mahadsantihiin
Guddiga qabanqaabada 18 May ee UK