Guddomiyaha Komishankii Hore oo Walaac Xoo ggan ka Muujiyey Murugga iyo Isqabqabsiga ka Dhex Aloosan Guddiga Doorashooyinka

 

Anigoon dadka balaayada saadaaliyana ahayn cabsi weyn baa igaga jirta in 27ka September ee la asteeyey doorashadu ku qabsoomayso


Doorasho waqtigeeda ku qabsoontaa waxay ku xidhan tahay Komishankan dhisan oo ku fuliya


Caqli aqbali kara tirada Komishanka tiro kale halagu kordhiyo ma jiro, meeshuna maaha xeer-beegteedii garta naqi jiray oo kolba shan la korodhsan jiray… deeqbixiyeyaashuna komishan hala kordhiyo inamay odhan


Warasi khaas ah – Axmed X. Cali Cadami


Guddoomiyihii Komishankii Doorashooyinka ee hore Mr. Axmed X. Cali Cadami, haddana ka tirsan guddiga fulinta xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa walaac xooggan ka muujiyey murugga iyo is-qabqabsiga ka dhextaagan xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaasoo uu xusay in lagu lumiyey waqti badan oo lagu dhammayn lahaa hawlaha doorashada Madaxtooyada.


Mr. Cadami ayaa waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya shalay siiyey, waxa uu Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay in ficiltan dhexdooda yaal meel iska dhigaan, una midoobaan fulinta masuuliyadda culus ee dusha u saaran, haddii aanay taas ka soo bixi karayna is-casilaan oo iska qabtaan kuwo uu ku tilmaamay habaar-qabayaal, intii wadashaqayn karaysaana wada shaqeeyaan si ay dalka u gaadhsiiyaan doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeedii ku qabsoonta.


Su’aalihii lagu weydiiyey waraysigaas oo ah kuwo aad u xiiso badan iyo jawaabihii Axmed X. Cali Cadami ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:


Jamhuuriya: Axmed, bal marka hore faahfaahin ka bixi aragtidaa waayo-aragnimo ee ku wajahan hawlaha doorashada iyo diyaargarowgeeda?


Cadami: Waxaan u arkaa in waqti badan la lumiyey; wuu taagan yahay oo weli ma dhammaan murankii waqtiga lumiyey, waxaanan u arkaa in aanay jirin cid dembigaa ka baaqsan karta, inkastoo adduunka uu jiro dhaqan ah in wixii dembi ah ee dhaca lagala xisaabtamo cidda hoggaanka haysa, lagalamana xisaabtamo axsaabta, markaa iyadoo eeddu u badan tahay dhinaca dawladda iyo xisbiga xukunka haya oo aan ummadduna ka cafiyeyn.”


“Waxaan welwel badan la qabaa ummadda, laakiin dareenka ii dheer waxa weeye waxaan ogahay oo aan arkayaa in aanay jirin cid u tudhaysa dimoqraadiyadda curdinka ah ee ka dhalatay Somaliland oo cid waliba wadhafka xaggeeda kaga soo ridayso. Haddii aan axsaabta iyo qarankaba laysla hinjin u diyaargarowga doorashada mugdi badan baa muuqda.


Waxyaabaha qaarkood ee ku yaal jadwalka hawl-maalmeedka Komishanka waxa loo baahan yahay in axsaabta lagu wargeliyo oo fulintiisa lagala hawlgalo.


Anigu waxaan arkay qorshe-hawleedka Komishanka u dejisan, iyadoo muddo badan laga cabanayey afar, saddex jeer oo dib-u-dhac yimi oo dalku ku sigtay, maantana waxa khatar ku jira qorshe-hawleedka yaal oo anigoo aan dadka rajada ka dilayn, dadka balaayada saadaaliyana ahayn cabsi weyn baa igaga jirta in 27ka September ee la asteeyey doorashadu ku qabsoomayso, haddaan guntiga dhiisha layskaga dhigin, axsaabtu hurdada ka kicin, Komishanka cid si damiir leh u shaqaysa laga helin oo inta gacmaha lays wada qabsado la odhan aan fadhiga ka kacno oo maalmihii innaga tegay aan qallayno. Wax alla wixii faral la tukanayey ee bisinka la qabsanayey way innaga tageen ee bal qalluhu si aannu inoo dhaafin in lagu faro-adaygo ayaa loo baahan yahay, maantana haddaan ganaska is-duqaynaya dhegaha loo furin oo axsaabtu walaalahawga ka bixin oo aan loo badheedhin ka midho-dhalinta waxyaabaha qorshe-hawleedka innoogu qoran waxaan ka baqayaa in walaac badani jiro.


Anigu waxaan ogahay 23 June 2009 shaqo weyn ayaa ku qornayd hawl-maalmeedka oo ahaa saxeexa xeerkii anshaxa doorashooyinka lagu hoggaamin lahaa ee waxna lagu xalaalaynayey, waxna xaaraantimaynayey isaga laftiisa taariikhdu way ka dhacday maanta, ka daba-tag buu u baahan yahay, cid hadal-haysa arki maysid, waxana meesha ka muuqata in aan dadkuba garanayn muhiimadda uu leeyahay qorshe-hawleedku, markaa waxa weeye welwelka iyo walbahaarka ayaan ummadda la qabaa, shaki weyn baana igu jira oo aan furdaamin kale u baahnayn doorashada oo waqtigeeda ku qabsoonta mooyaane.


Jamhuuriya: Waxa jira qodobo badan oo ilaa hadda xisbiyadu ku muransan yihiin sida; samaynta guddi xeer-beegti oo khubaro caalami ah ku jiraan, xeerkii anshaxa, khilaafka weli taagan ee arrinta Komishanka, iyadoo waqtiguna cidhiidhiga yahay, markaa sidee doorashadu ku qabsoomi kartaa?


Cadami: Doorasho waqtigeeda ku qabsoontaa waxay ku xidhan tahay Komishankan dhisan oo ku fuliya. Salaaddu haddaanay iimaam lahayn oo aanad iimaamka ku xidhanayn waxba ma qabsoomayaan, kaalintaasina maanta si kastaba ha noqotee ma jirto, waxna way ka maqan yihiin, waxna way jiraan, rayigayga shaqsiga ahna waxaan qabaa Komishanka komishan kale halagu kordhiyo cid soo jeedisay oo aan axsaabta ahayn ma jirto, gaalo [deeqbixiyeyaasha] tidhi Komishanka hala kordhiyana ma jirto. Toddoba qof ayaa wadashaqayn kari la’, toddoba amma shan kale markaad ku soo kordhisana xisaabtii waad murgisay oo laba kooxood oo wada ciyaaraya ayaad magacowday iyadoo doorashadii taagan tahay, caqli aqbali kara tirada Komishanka tiro kale halagu kordhiyo ma jiro, meeshuna maaha xeer-beegteedii garta naqi jiray oo kolba shan la korodhsan jiray. Komishanka adduunka iyo Afrikaba ugu fiican waa shan xubnood oo ah dalka Koonfur Afrika. Shantaas xubnood ayaa wada qabsaday oo shaqooyinkii wada qaybsaday oo doorashooyinkii hore hoggaaminayey, ilaa haddana gacanta ku haya.


Toddoba xubnood waa Alxamdu-lillaahi Rabbul-caalamiin, tiro looma buko, cudurka ina hayaana ma aha tirada Komishanka oo aynu badino, deeqbixiyeyaashuna komishan hala kordhiyo inamay odhan oo amarkoodiiba maaha, laakiin waxay ku leeyihiin hawsha komishanka isla eega axsaabta, xukuumad iyo kuligiinba, waynu fahmaynaa luqadda sidaa u qorani waxay doonaysaa komishan komishankii hore lagu soo daro oo labadii isku murgaan. Iminka toddoba xubnood ayeynu leenahay oo khaati bay kala joogaan, toddoba kale oo lagu kordhiyaana waxay keenaysaa in aan markaa saamiba la kala helin.


Anigu waxaan qabaa haddii saddexda xisbi ka midaysan yihiin rayiguu doonaba ha noqdee oo komishankaa ku saabsan cidna dhibi mayso. Saddexda xisbi ee tartamaya mid lacag haysta iyo mid soo urursanayaba inta aan wax kale waqtigii ka lumin waxa la gudboon in waqtigu kaga lumo wixii daruuri u ahaa qabsoomidda doorashada, taasina waxay ku imanaysaa isla garasho aan meel-jeclaysi lahayn. Maanta waxay ahayd haddii komishanku hawshiisii gabo in ay saddexda xisbi isu tagaan oo ka shaqeeyaan sidii doorasho fiican dalka uga qabsoomi lahayd. Xeerka anshaxu waa ka ugu fudud dhammantiisu, mid aynu ku soo caano-maalay oo guul dhaliyey baynu haysanaa, laba amma saddex qodob ayaa laga beddeli karaa haddii loo fadhiisto, laba is-hayana loo fadhiisan maayo, dabadeedna laysla eego oo wax la isla meel dhigo. Waqtigii la asaraartami jiray waa la soo dhaafay, waqtigii la kas-ciyaarayey waa la soo dhaafay, waqtigii ololaha laga dhiganayey khilaafka waa la soo dhaafay, waxana la joogaa saacatul-ijaabihii doorasho ku qabsoomi lahayd amma doorasho la’aan aad dalka kaga tegi lahayd oo wax aan ummaddu ku riyoon oo ku talogelin ay dhici karaan, Ilaahay innaguma keenaa.


Markaa waxaan leeyahay waan arkayaa murugga, isku dhaca, is-qabsiga iyo isku meeraysiga Komishanka, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inay ka baxaan muruggaas oo gartaan masuuliyadda saarani in aanay maanta oggolayn inay dhexdooda fas-ciyaaraan. Maanta waxay ahayd maalintii ay iscasili lahaayeen oo inta habaar-qabayaasha la leeyahay iyagoon cidna dhibin, isna dacwayn uu ninkii aan la socon Karin si hawl yaraan ah uga baxo komishanka, intii wadashaqayn karaysaana wada shaqeeyaan, dabadeedna hawshii la qabto, laakiin sida hadda lagu jiro oo axsaabtu ku jirto, oo komishanku ku jiro shaki weyn baan qabaa, wax badanina halkaas ayuu ku baaqanayaa oo iyadoo aan waxba la qaban ay daf ina soo tidhaa 27 September.


Jamhuuriya: Waxa jira arrinta seerfarka kala shaandhaynaya dadka isdiiwaangeliyey oo aan ilaa hadda natiijo laga soo saarin, muddadii madaxweynuhu u qabtay la dhaafay, tii deeqbixiyeyaasha iyo guddiga dhexdhexaadintuna gebogebo tahay, markaa ma u malaynaysaa in taasina sii kordhiso culayska iyo cidhiidhiga ku gudban qabsoomidda doorashada?


Cadami: Horta in diiwaangelinta laga hormariyo doorashada waa adduunku soo maray, faa’iido ayaana laga gartay, waxayna qurxisaa nooca doorashada oo ay tayadeeda kor u qaaddaa, laakiin tii ugu adkayd ee aan inala tartanka ahayn ayeynu qaadanay ee kombiyuurakeenna iyo korantadeenna marna hagaagta marna bakhtida la shaqayn karaysay innagaa diidnay oo xataa wax ka iman doona la isma weydiin oo waynagaa maanta dhex fadhina.


Diiwaangelintii nabad bay innoogu dhammaatay, khaladaad yaryarina wuu jiraa, waana la saxayaa oo kombiyuutarka iyo dadkaa farsamadeeda yaqaan ayeynu u daynaynaa, aniguna waxaan aaminsanahay weli waqti badan baynu haysanaa uu liisku ku soo bixi karo, kaasaana ugu taako iyo xatooyo yar, inuu fashilmana cidi yeeli mayso oo deeqbixiyeyaashii 11ka milyan ee dollar ku bixiyey ayaa daba taagan, arrintuna waxay gaadhaysaa ilaa xarunta Midowga Yurub ee Brussels, xataa in talo laga yeesho oo la yidhaa bilaa diiwaangelin baannu iskaga qabsanaynaa may dhicin, walaaca badanina waqtiga wuu kaa lumiyaa, waxbana kuuma soo kordhinayo, waana ta maanta ina haysata, talada habboonna ma heli kartid mar haddaad walaacdo.


La soco qaybo aad u xiiso badan oo Axmed Xaaji Cali kaga warami doono qaabka loo maali karo goobaha codbixinta, sirta komishankii hore u sahashay guulihii taariikhiga ahaa ee guddo iyo dibadba lagu ammaanay iyo qodobo kale oo nuxur badan xambaarsan.




Jamhuuriya Online