Guddomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo Qudbad Qiiro leh u jeediyey Boqolaal Taageerayaashiisa ah, waxanu si kulul u weraray Garabka ka soo horjeeda.

 


Hargeysa (TNN)- Boqolaal ah Tageerayaasha Guddomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa iskugu soo ur uray Xarunta Dhexe ee Xisbiga Ucid ee Magalada Hargeysa, Tageerayashan oo aad u badnaa ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen hadalo ay ku tageerayeen Faysal Cali waraabe, Taageerayaashan ayaa waxa qudbado u jeediyey Masuuliyiinta Xisbiga Ucid oo uu ugu horeyo Guddomiyaha Xisbiga Ucid Md. Faysal Cali waraabe.

Faysal Cali waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ula yaaban yahay raggii uu Xilalka sarre uu siyey oo hadan xisbigii duminaya waxanu yidhi “Walaalayaal Guddomiyaha Golaha Wakiilada C/raxman Cirro waxaan ula halgamay in uu noqdo Guddomiye oo waan kula dagaal galay sidii uu gudomiye u noqon lahaa, Aadam Mire Waqaf isaga oo Riyale Xilkii Ka qaaday oo meel banan ah la dhigay ayan Guddmiye Ku-xigeenkii 1aad uga qaaday Alla hawnaxariiste Siciid, oo waan u hiiliyey, Maxamed C/laahi Urcadena waxaan kula dagaal galay sidii uu mayir kuxigeen u noqon laha si u casimada Bilicdeeda u hagaajiyo oo ucid ayuu ka soo baxay, hadaba raggii aan sidaasi ula soo halgamay ayaa anigii Dab hoostayda ka shiday waa nasiib darro”.Ayuu yidhi Faysala Cali waraabe.

Faysal waxa kale oo uu yidhi “Walaalayaal Dalkan waan u soo dadaalay oo waan badbadiiyey labad doorasho ayaan badbaadiyey, mararka qaar waxaan is idhahdaa Tabliiqiyiintaasi iska raac oo dalkaba isga tag, hadan waxaan is idhahdaa ayaad uga tagaysaa ragan aad arkaysaan guryo dawladeed ayey galaan qaaran waaba laga bixiyaa kirada, anigu Baloodh hargeysa kuma lihi, hadan waaniga u halgamaya”Ayuu yidhi Faysal Cali waraabe

Taageerayaasha Guddomiyaha Ucid Faysal Cali waraabe ayaa intii aanay Xarunta dhexe ee xisbiga ucid ee hargeysa isku soo ururin waxay mashquul galiyeen Magalada hargeysa waxay wateen Baabuur aad u badan iyada oo ay ka buuxeen dad aad u badin, kuwaasi oo mashquul galiyey isku socodkii magalada hargeysa.

Dhinca kale Ciidamo badan aya ku hareeyasnaa Xarunta dhexe ee ucid, kuwaasi oo uu hogaaminayey Badhasaabka Hargeysa, Ciidamada ayaa Aamanka dusha ka ilaalinayey, iyada oo laga baqayey in uu isku dhac ka yimaado Ciidamada iyo Taageerayaasha Xisbiga Ucid.



Source: Waaheen