Guddoomiyaha cusub ee  Maxkammada Sare oo labada Gole si wada jira u ansixiyeen

 



Hargeysa (TNN)- Shir maanta ay wada yeesheen mudanayaasha labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda  ayaa ku ansixiyeen  Guddoomiyaha cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) u magacaabay Maxkamadda Sare,mudane  Yuusuf Ismaaciil Cali.

Waxaa  shirka maanta  guddoominayey Guddomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) ,waxaana xaadir ku ahaa madasha 109 Mudane, waxaana ogolaaday  107 Mudane, hal Mudane wuu diiday, Guddomiyuhuna muu codaynin,sidaas ayaanu ku ansaxay Guddomiyaha Maxkamadda Sare.

 

 

Timacade News