Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera oo ka hadlay Sidii Dalka loogu soo dhaweweyey M/xigeenka

 



Berbera (TNN)- Duqa Magaallada Berbera Md. Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay inuu ku furaxsan yahay sidii dadweynaha reer Somaliland u soo dhaweeyeen Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, isla markaana waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Goleyaasha Qaranka, Axsabta siyaasadda, Ganacsatada, Madax-dhaqmeedka, Gaadiidleyda, Maamulka Gobolka Saaxil iyo guud ahaanba dadweynihii ka qaybqaatay soo dhawaynta Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuu riyadda.

Duqa Berbera ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdalle Maxamed Carab, waxa uu sidaa ku sheegay Shir oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxaanu bogaadiyey Berbera illaa Hargeysa Madaxdii kala duwanayd iyo dadweynihii tirada  bad naa ee sida qaddiyadda iyo waddanimida leh u soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Jimcihii iyo Sabtidii toddobaadkan (Shalay iyo Dorraad), kuwaasoo uu sheegay inay si hagar la’aan ah ugu soo baxeen Axmed Yuusuf Yaasiin ka dib markii uu ka soo laabtay Safar caafimaad oo uu  mu ddo ku joogay dalka Faransiiska.

Maayarka Magaalada Berbera isaga oo arrintaas soo dhawaynta iyo dareenkiisa ku aaddan ka  h adlaya waxa uu yidhi; "Anigoo ku hadlaya magaca gobolka iyo ka degmadaba Waxaan u  mahadn aqayaa Madaxda Gobolka Saaxil, sidii wacnayd ee qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen  mada xweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Dekedda, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maamulka Maalliyadda,Ganacsatada, ururka gaadiidleyda, dhammaan waaxyaha gobolka Saaxil iyo dadweynaha ayaan u mahadcelinayaa.”

Duqa Berbera Cabdalla Maxamed Carab oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray. “Waxaan doonayaa inaan hambalyo gaadhsiiyo sidii sharafta lahayd ee a yu soo dhaweeyeen. waxaa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa dadweynaha kale ee Somaliland, guud ahaan intii ka timi  gobolla da, haday tahay sallaadiin, haday tahay aqoonyahanno iyo madaxdhaqameedka Togdheer, Saa xil, Maroojideex,Awdal iyo Sanaagba,oo aan leeyahay waxaan idiinka mahadnaqayaa sida aad noo sharafteen ee qaabka wanaagsan ee qaranka oo dhammi ka wada-qaybgallay aad isu soo xil-qaanteen, idinkoo muujinaya shucuurta muwaadinimmo oo qiime weyn Somaliland u sammaysay." Ayuu yidhi Maayarka Berbera.



Source: Ramaasnews