Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye oo mudeeyay Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye bisha 11/April/2013

 



Qoraalka uu Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye soo saaray oo uu ku socodsiiyay Xogahayaha Golaha .....


Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaah Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaaac Ismaaciil Shabeel ayaa manta soo saaray qoraal uu Xoghayaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku amrayo inuu baahi yo maalinta shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga la qabanyo oo uu u asteeyay 11/April/2013 si waafaqsan dastuurka Xisbiga oo dhigaya Bil ka hor in la iclaamiyo qabsoomida Shirka Golaha Dhexe.

Qoraalka uu Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye soo saaray oo uu ku socodsiiyay Xogahayaha Golaha Dhexe isla markaana uu Ogeysiin siiyaya Hogaanka Xisbiga, Guddida Fulin ta, Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Xisbiyadda Siyaasadeed iyo Madaxweynaha Jamhuuriy adda Somalliland waxa ay u dhignayd sidan:-



Ujeeddo: isugu yeedhis Shirkii Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Markaan arkay: Xeerka Nidaamka Ururrrada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer N0: 14/2011 qodob kiisa 25aad faqradiaisa 1aad oo u dhigan sidan:

“ Xisbiyada qaran ee doorasahada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maamul-wanaag iyo Dimuquraadiyadda dhexdooda ah, waana in awoodda loo simanyahay talada xisbigana waa in markasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaada”

Iyo isla qodobkiisa 25 aad faqradiisa 3aad oo u dhigan sidan:
“ shirka Xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba hal mar waxaana la baahinaya a 30 casho ka hor”

Markaan arkay: Qodobka 30aad faqradiisa 1aad ee xeerka xisbiga kulmiye oo u qoran sidan:
“shirka golaha dhexe ee xisbiga waxa la qabtaa sanadkiiba hal mar”
Markaan arkay: Qodobka 9aad faqradiisa 1aad xeer hoosaadka golaha dhexe ee xisbiga kulmiy e oo u qornaa sidan:

“ugu yaraan bil ka hor taariikhda uu qorshaysan yahay shirka caadiga ah ee golaha dhexe, ayu u gudoomiyaha golaha dhexe amrayaa xoghayaha golaha dhexe inuu war-baahinta ku faafiyo maalinta iyo goobta lagu qabanayo shirka caadiga ah ee golaha dhexe”

Markaan yaqiinsaday: Qodobka 28aad ee Dastuurka Xisbiga Xarafkiisa (K) oo sheegaya in had dii shirweynaha xisbiga dib u dhac ku yimaado ay hay’adaha kala duwan ee Xisbigu xilka hayna yaan inta shirweyne ka qabsoomayo, isagoo u qoran sidan:

“mudada shirweynaha xisbiga dib loo dhigay waxa xilka xisbiga sii haynaya Guddoomiyaha xisbi ga, golaha dhexe iyo guddida fulinta ee xilka haya”

Markaan yaqiinsaday: in shirkii golaha dhexe ee caadiga ahaa uu ka soo wareegay sanad kaas oo qasoomay 14-14 April 2012.

Hadaba Mudane Xoghaye aniga oo ka duulaya qodoabadaa aan kor ku soo sheegay khasabna inagu tahay inaynu fulino Xeerarka qaranka iyo xisbigaba u yaala taasoo la inagula xisaabtma yo haddii aynu sidooda u gudan weyno, waxaan ku farayaa inaad golaha dhexe ee Xisbiga gaa dhsiiso in shirkii caadiga ahaa ee golaha dhexe la qaban doono 11/April/2013 laguana qaban d oono magaaladda Hargeysa gaar ahaan Ambasaddor Hotel.

 

Sidoo kale waxan la socodsiinayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe inay u diyaar garoobaan shirkaa oo dhici doona taariikhda kor ku susan.

 

 

Allaa Mahad Leh
Jaamac Ismaaciil Shabeel
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye