Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Sheegay in aanu Madaxweyne Rayaale Xaq u Lahayn Kala Shaandhaynta Komishanka

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Som aliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aanu Madaxweyne Rayaale xaq u lahayn kala shaandhaynta iyo dib-u-celinta  xub naha loo soo xulay Komishanka Doorashooyinka ee cusub, balse uu arrintaasi sharcigu awood u siiyey Golaha Wakiillada.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Idaacadda Horyaal waraysi la yeelatay, waxa uu tilmaamay in Xeerka Doorashooyinka Somaliland uu Golaha  Wakiilla da oo keliya xaq u siiyey inay kala shaandheeyaan, isla markaana dib-u-celin karaan xubnaha loo soo magacaabo inay ka mid noqdaan Guddiga  Doorasho oyinka Qaranka. Waxaannu dhinacyada siyaasadada ee arrinta komishanku khusayso inay si degdeg ah u soo magacaabaan komishanka cusub ee  bedd elaya xubnihii hore ee is casilay.

“Sidaynu ka warqabno waxa dhacay heshiis, kaas oo ay wada saxeexeen axsaabta qaranku. Heshiiskaa markii la saxeexay kadib sidaad ka warqabtaan xaaladii siyaasadeed ee taagnayd hoos bay u dhacday xaraaradeedii, waxaa na la gudo-galay uun sidii heshiiskaas loo fulin lahaa, waddankuna ugu  hadh uub qaadan lahaa in doorasho xor iyo xalaal ah la helo. Qodobkii ugu  horre eyey ee hesiiskaasi waxay ahayd in la sameeyo komishan cusub, markaa  tall aabo ayaa hore loo qaaday oo komishankii hore xubnihiisii dhammaantood  iya gaa is casilay. Muddo laba toddobaad ah waxaanu sugaynay in arrinta komishanku soo dhamaato, gole ahaana waxaanu qiyaasaynay inay saddex maalmood ama afar maalmood qaadato, laakiin weli waanu sugaynaa wax naloo soo gudbiyey ma jiraan, waxaanu goluhu heegan u yahay inuu  waaji bkiisa ka guto arrintaas, mudanayaasha waanu ku wargelinay markii goluhu fasaxa tagayey, waanuna sugaynaa in arrintaa Komishanku golaha timaado. Waxaanuna ugu baaqaynaa dhinacyada ay khusayso in la dedejiyo  komisha nka, si aan waqti dambe inooga lumen,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan  Max amed Cabdillaahi oo waraysiga Idaacadu la yeelatay hadalkaa kooban laga sii daayey.







Source: Jamhuuriya Online