Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Socdaal ugu Kicitimay Dalka Sweden

 


 

Qaraal rasmi ah oo Guddoomiyaha Baarlamanka Sweden Mr. Per Westerberg ku caddeeyey martiqaadka uu u fidiyey

Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan  Maxa med Cabdillaahi (Cirro), ayaa gelinkii dambe ee shalay u kicitamay socdaal uu ku  tega yo dalka Sweden oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.

Guddoomiyaha oo gelinkii dambee shalay Madaarka Hargeysa ka raacay diyaarad gaar ah oo geysay dalka Itoobiya oo uu sii dhaafayo dhinaca caasimadda waddanka  Swed en ee Stockholm, halkaasoo kulamo kala duwan kula yeelan doono masuuliyiin sare oo uu ku mid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mr. Per Westerberg oo isagu martiqaadka u fidiyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ergayga gaarka ah ee Arrimaha Afrika Sweden, madaxda asxaabta mucaaridka dalkaas iyo masuuliyiin ka tirsan  hay’a dda Amnesty International.

Qaraal rasmi ah oo Guddoomiyaha Baarlamanka Sweden Mr. Per Westerberg ku  cadde eyey martiqaadka uu u fidiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey madaxda iyo masuuliyiinta dawladda Sweden oo uu ka kulmi doono.

Guddoomiye Cirro oo maalinta Salaasada si rasmi ah u bilaabaya shirar kala duwan oo la yeelanayo masuuliyiinta dawladda iyo axsaabta mucaaradka ah ee dalka Sweden. Sidoo kale waxa uu Khamiista toddobaadkan ka qaybgeli doonaa kulan ka dhacaya  Aq alka Baarlamanka Sweden oo lagaga hadlayo doorashada afraad ee lagu wado inay sannadkan ka dhacdo Somaliland iyo caqabadaha hortaagan, muhiimadda ay leedahay iyo siday suurtogal u tahay inay noqoto mid xor iyo xalaal ah, qaab nabadgalyo ahna u dhacda.

4 February 2010, waxa uu Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland booqan doonaa  Hay’a dda Doorashooyinka Sweden, isagoo la kulmi doona wakiilka xidhiidhada dibadda u  qaa bilsan hay’addaas oo lagu magacaabo Kristina Lemon. Sidoo kale isla 4 February  wuxu u la kulmi doonaa guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Sweden, gaar ahaan  muda naha u qaabilsan xidhiidhka dibadaha MP Birgitta Ohisson iyo xubno kale oo guddigaas ka mid ah, waxaanay kulamadaasi socon doonaan ilaaa shanta bishan February oo ku beegan Jimcaha toddobaadkan.

Waxa kaloo Md. Cirro hadal ka jeedin doonaa kulan uu la yeelanayo afhayeenka  arrim aha dibadda ee xisbiga Liberal Party Ambassador Marika Fahle’n, wasiirka arrimaha dibadda Sweden, xildhibaan Birgitta Ohisson, masuuliyiin ka socota xafiiska Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International iyo weliba madax kale oo caalami ah





Source: Jamhuuriya