Guddoomiyaha Guddida Amaanka Guurtida Oo Sheegay In Xukuumada Sii ll aanyo Ay Dadka Ku Xidh-Xidhayso Waa La Isoo Hadal Qaaday Siddii Rajiimkii Siyaad Barre,Kuna Tilmaamay Xadhiga Tifaftiraha Waaheen Sharci Jabin

 


“Wuxu Boqor Raabi Ku Hadlay Waxa Ka Xumaa Ragii Kulmiye Ee Yidhi Rayaale Dhangad Baan Kaga Soo Saari Madaxtooyada, Idaacadii Horyaal-Na Waa La Ogaa Waxay Shubi Jirtay, Siillaanyo-na Rag Badan Oo Cayda Caan Ku Ahaa Ayuu Xilal U Magacaabay” Xildhibaan. Axmed Muuse Obbsiiye


Hargeysa, January 24, 2011 (TNN) - Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha Golaha Guurtida Axmed Muuse  Obsii ye ayaa sheegay in xadhiga iyo xukunka lagu riday Tifaftirha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac  (Xuuto) daraad u yahay mid sharci daro ah oo xad gudub ku ah Xeerka Saxaafada Somaliland, isagoo intaa ku  da ray in xukuumada Siillaanyo, ay dadka ku xidh-xidhayso waa la i soo hadal qaaday sidii Rajiimki Siyaad Barre, kuna eedeeyay hab dhaqanada cabudhinta ah ee ay kula kacayso Saxaafada xorta ah iyo Suxufiyiinta ka hawl gala war baahinta kala duwan ee dalka, cadeeyayna in Barnaamijkii xisbiga Kulmiye ku galay doorashadii madaxtooyada iyo hab dhaqanka xukuumada Siillaanyo ay ku talaabsanayso aanay is lahayn.

Guddoomiyaha arrimaha gudaha golaha Guurtida waxa kale oo u sheegay in xadhigyada sharci darada ahi ay  dal ka ka dhex alooseen qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon shacbi, fartana ku fiiqay hab dhaqankii Idaacada Horyaal ee taageeri jirtay xisbiga Kulmiye iyo hadaladii ay sida kulul ugu dhaliili jireen siyaasiyiinta Kulmiye madaxweynihii hore Daahir Rayaale.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab Haatuf khadka Telefoonka xog waraysi khaas ay kula yeeshay, kaas oo sidoo kale kaga hadlay xadhiga Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo uu ku baaqay in xoriyadiisa loo soo celiyo.

Guddoomiye Obsiiye, isagoo ka hadlaya xadhiga Tifaftiraha Wargeyska Waaheen, waxa uu yidhi “Xeerka Ciqaabta ee lagu qaaday iyo xadhiga saddexda sannadood ah ee lagu xukumay Tifaftiraha Wargeyska Waaheen waa mid qayrul sharciya, oo aan aad uga xumahay, maxaa yeelay Saxaafada Somaliland waxay leedahay Xeer uu ansixiyay labada gole Baarlamaan 2004-tii, madaxweynihii hore-na saxeexay, digreetana ku dhaqan galiyay in Xeerka  ciqaa bta lagu qaado, Suxufiyiintana waa xaaraan mid la aqbali karana maaha, madaxweyne Siillaanyo markii uu soo  dh igayay golaha xukuumadiisa rag badan oo af xumada caan ku ahaa ayuu xilal u xushay, madaxweynaha iyo  xuku umadiisa waxaan leeyahay u dul qaata sidii loo dul qaadan jiray, cid gaar ah oo in la caayo gaydaa ma jirto, lamina odhan karo madaxweynihii hore cayduu geyay, madaxweyne Siillaanyo-na ma geyo kursiga, cayda wata,  Tifafti raha Waaheen ciqaabta la yidhi saddex sanno oo xadhiga ah ayuu ku mutaystay, Xeer ciqaabeedka la marinayona wax is dabooli kara maaha, waxaan u arkaa in xad gudub weyn oo sharci daro, Boqor Raabi Yuusuf C/laahi ee la xidhayna hadaladii uu ku hadlay, baaqii uu yidhi madaxdhaqameedyadu shir ha iskugu yimaadaan mooyee kalmad kale oo qaloocnayd may jirin, hase yeeshee hadalo ka xun oo hore la isku yidhi ayaa jiray, oo waxa jiray rag  mad axweynihii hore ku yidhi dhangad baanu kaga soo saari haduu madaxtooyada ka soo bixi waayo, inaga oo aan hog aan dhaqameedkaa ku raacsanayn wax yaalihii uu ku hadlay haddana maaha in ciqaab iyo dambi laga dhigo wixii fikirkiisu la noqdo”.

Mar aanu weydiinay Md. Obsiiye, raga madaxweynihii hore ku yidhi dhangad baanu kaaga soo saari iyo raga uu sheegay inay af xumada caan ku yihiin ee madaxweyne Siillaanyo xilalka u dhiibay kuwa ay yihiin, waxa uu yidhi “Rag caan ah oo la yaqaano oo Kulmiye ka tirsan ayay afkooda ka soo baxday xiligii ay Mucaaridka ahaayeen inay yidhaahdeen dhangad baanu kaga soo saari doonaa madaxtooyada iyo ha ka soo baxo, Saxaafada ayaana lagu soo ban dhigay kalmadahoodaa, sidaa darteed magac dhabid uma baahna dadkuba wuu ogyahay, raga af xumada caanka ku ahaa xiligii Kulmiye Mucaaridka ahaana ee madaxweyne Siillaanyo xilalka u dhiibayna waa macruuf oo laga wanaagsan inaan idhaahdo waa hebel iyo hebel oo iyagaaba is garanaya dadkuna wey garanayaan, Kulmiyena Barnaamijkii ay ku galeen doorashada iyo sida xukuumadoodu u dhaqmaysaana wey kala duwan yihiin oo, waxay ku balan qaadeen inay Saxaafada xaq dhawri doonaan xornimadeeda, dhaliilaheedana soo dhaweyn doonto, hase yeeshee waxaad moodaa in xukuumada Siillaanyo ay cadhadu ka soo horayso oo ay dadkii ku xidh xidhayso sidii Rajiimkii Siyaad Barre ee dadka ku xidhi xidhi jirtay waa la i soo hadal qaaday , waxaad moodaa in Dimuquraadiyadii aynu qaadanay iyo dhaqankii Af-weyne ay iskaga keen jiraan, xadhiga sharci darada ah ee dadweynaha lagula kacaana qalalaase siyaasadeed iyo gadood shacab ayuu keenaa, oo dadkeenu waa caadifiin oo xadhiga qayrul sharciga ah wey neceb yihiin, qofkuna xiliguu Mucaaridka yahay wixii uu qaladaad u arkayay marka danbe ee uu kursiga ku fadhiistana waa inuu u arkaa qalad, balse sharci daradii uu ka qaylinayay maaha inay la qurux banaato.


Source:Haatuf