Guddoomiyaha guddida diiwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur

 

Guddoomiyaha guddida diiwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegey in tirada saxda ah ee iska diwaangelisey gobolka Awdal ay tahay 133,868 qof, balse aaney aheyn sidii uu shaley ka sheegey shirka jaraa’id 180 kun , taasi oo uu ku tilmaamey in ay aheyd khalad mad-bici ah oo ka dhacey xafiiska tirokoobyada.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtey xafiskiisa isaga oo daba socda khaladkaasi waxa uu yidhi,“Tiro koobkii aan sheegay shalay ee aan siiyay saxaafada tiradii aan rasmiga ahayn ee aan ku sheegay inay iska diiwaan gelisay Gobolka Awdal oo ahayd 180 kun, waxay ahayd khalad madbici ah oo ka dhashay xafiiska tirokoobyada ee diiwaan gelinta.

“Tiradaas aan idiin sheegay may ahayn mid la doonayo in Awdal wax loogu kordhiyo, nin masuul ah oo xishoonayaa u malayn maayo inuu gobol gaar ah wax u kordhiyo, arrintaasi oo aad loo buun buuniyay istaahil may ahayn,”ayuu guddoomiyuhu. Mudane Ismaaciil Muuse, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Tirada saxda ah ee aan rasmiga ahayn ee iska diiwaan geliyay Gobolka Awdal waa 133,864 qof, waana
tiro aan seerfar la gelin oo ku meel gaadh ah.”

 

 

 



Faysal Cabdilaahi
Hormoodnews