Guddoomiyaha Guurtida oo Markii ugu Horreysay ka Hadlay Dhexdhexaadinta Khilaafka KULMIYE

 


Guddoomiyaha Golaha Guurtidaa Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa markii u horreysay caddeeyey in aanay jirin wax waanwaan oo uu ku dhexdhexaadinayo labada dhinac ee xisbiga KULMIYE ee khilaafku u dhexeeyo, balse waxa uu xusay in arrinta dhexdhexaadinta uu gali doono haddii dhinacyada KULMIYE ka dalbadaan.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay si aannu wax uga waydiino qorshaha la sheegay inuu ku damacsan yahay sidii uu waanwaan uga dhex bilaabi lahaa garabyada is khilaafsan ee KULMIYE iyo hawshaas inuu galayo, waxa uu sheegay in ilaa hadda aannu wax waanwaan ah bilaabin, haddiise laga codsado uu diyaar u yahay in isu soo dhawayn ka dhex bilaabo xisbiga KULMIYE.

Isaga oo Guddoomiyuhu arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waan-waan aan ka dhex wado KULMIYE dhexdiisu ma jirto, hawshaana maan galin cidna iilamay iman qorshaha lagu dhexdhexaadinayo KULMIYE oo marka wax laguula yimaaddo ayaa tallaabo la qaadaa, laakiin haddii la iila yimaado waan galayaa, KULMIYE waa xisbi qaran, waanna la dhexdhexaadin karaa oo waanwaan waa laga dhex bilaabi karaa.”

Khilaafka culus ee u dhexeeya labada dhinac ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo ay kala hoggaaminayaan Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn cid waanwaan lagu xallinayo khilaafka taagan ka dhex wada, laakiin waxa jira wada hadalo xisbiga dhexdiisa ah oo socda, kaas oo la doonayo in masuuliyiinta sare ee KULMIYE ku soo afjareen khilaafka u dhexeeya oo haddii aan la soo gunaanadin dhaawac u geysan kara sumcadda xisbiga.




 



Source:Jamhuuriya Online