Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo ku Baaqay in si wadajir ah loo Waajaho Khatarta Argagixisada

 


 

“Doorashada ha noqoto inaga ama saddexda gole ee dawladda, axsaabta ama dadweynaha ha noqotee innaga oo dhan u wada eryeyna ayuun baynu ka bixi karnaa hawl fududna maaha” Md. Saleeaban Maxamuud Aadan

Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud  Aa dan, ayaa ka digay khatar uu sheegay inay ka soo socoto kooxaha argagixisada ah, isla  m arkaana waxa uu ku baaqay in lagaga hortagi karo iyadoo si wadajir ah shacab iyo  dawlad ba gacmaha la isku qabsado.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa khudbad uu shalay ka jeediyey fadhigii Golaha  Guur tida oo mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen lix gudd-hoosaad oo ay soo xuleen shirguddoonku oo qayb kahaa go’aamadii lagu soo afjaray khilaafkii Golaha u dhexeeyey, ayaa ka hadlay arrimaha nabadgelyada Somaliland oo uu tilmaamay in khatarta ugu badani tahay kooxaha argagixisada ku soo badanaya dalka. Sidaa daraadeedna waxa uu ku  baaq ay shacab iyo dawladba in khatartaas si isku duubni ah loo waajaho, si looga guulaysto.

“Maanta hawlaha qarankan u yaala ee u baahan wax ka qabasho in aynu isku duubnaano ayey u baahan yihiin, ta ugu culusi waa nabadgelyada oo aad moodo in argagixisadii inagu soo korodhay, meelaha qaar ha u sii darnaadeen oo ay ka gaysteen dil, dhaawac iyo  khal khalinba, dad isku duuban ayuun baa wax ka qaban kara, innaga oo taagteena u hurnay dawlad ahaan marka horeba haddana nacabka aad moodo inuu inagu soo wajahan yahay, haddii aynu isku duubanahay oo wadajir u shaqayno wax baynu ka qaban karnaa, Ilaahay ha ina waafajiyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu khudbadiisaa kaga hadlay hawlaha u diyaargarowga  doorash ada iyo waxa kaga beegan gole ahaan, waxaannu sidoo kale dhinacyada dawladda, axsaa bta iyo shacabka ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii ay u qabsoomi lahayd.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Doorashada, dawlaha ku gaamuray habkaa aynu wax u doorano ayuu geliyaa khalkhal, innaguna waynu is taahilnaa, markaa  waxaan nu leenahay waar aynu u dhug yeelano. Doorashada ha noqoto inaga ama saddexda gole ee dawladda, axsaabta ama dadweynaha ha noqotee innaga oo dhan u wada eryeyna  ayu un baynu ka bixi karnaa hawl fududna maaha, inaga gaar ahaan [Guurtida], cidii  laacdama ysaa ha laacdanta ama ha tartantee innaga waxa waajib ina saaran in aynu  wacyigelintee da iyo dadka wax u sheegiisa in aynu u diyaargarowno, mar haddii aynu nahay xubno  Baa rlamaan waxa la inooga baahan yahay in muddada fasaxa aynu tango degaanadii in lagu noqdo oo loo wargeeyo, lagana war keeno, bulsho ururin ayaa inoo taala, abbaaro ayaana jiree Ilaahay ha inaga dulqaado.”

Fadhigaasi oo mudanayaasha goluhu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen guddi-hoosaadya da golaha oo magacyadooda laga hor akhriyey fadhigoodii shalay waxa mudanayaasha  fa dhiga ka qaybgalay oo tiradoodu dhammayd 56 mudane waxa cod loo waydiiyey Guddiga Joogtada ah ee cusub, waxaana oggolaaday 49 mudane, halka 5 kale ka diideen, isla  mark aana 1 mudane ka aamusay.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu mudanayaasha ku wargeliyey in goluhu fasax muddo bil iyo badh ah galayo, isagoo mudanayaasha kula dardaarmay inay ku noqdaan degaanadii laga soo doortay oo u kuurgalaan xaaladaha nololeed ee ka jira.

Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre oo isna fadhiga hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in inkasta oo ay ku rafteen soo afjarida khilaafka golaha ay hadda si rasmi ah heshiis buuxa u wada gaadheen.

Magacyada xubnaha cusub ee Gudida Joogtada waxaa ay kala yihiin

Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Jaamc, Axmed Nuur Aw Cali Aadan, Yuusuf Cabdilaahi Cawa ale, Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf, Farxaan Ciise Ubaxle, Cabdilaahi Ibraahim Xirsi [Dhugad], Muxumed Aw Axmed X Aadan, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Axmed Jaamac Fa arax, Khadar Xuseen Sahal, Caydiid Axmed Maxamed, Maxamed Ducaale Qurux, Maxamed Jaamac Abokor, Maxamuud Xareed Rooble, Yuusuf Sh Axmed Nuur, Diini Cabdilaahi Hande, Maxamed Nuur Sugaal, Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug, Khadar Ismaaciil Cabdi, Maxamed Hirad Shirtag, Cabdisalaan Maxamed Siciid, Axmed Xasan Saalax, Cismaan Cali Cabdi, Xasan Cumar Axmed iyo Xirsi Ciise Jaamac.



Source: Jamhuuriya Online