Guddoomiyaha
Hay’ada Shaqaalaha Somaliland Oo Taf aa siil
ka Bixiyay Socdaal Wefti Uu Hoggaaminayay Ay
Ku Soo Mareen Saddex dal Oo Afrikaan Ah
Hargeisa (Longlivesomaliland
News)Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somali land C/raxmaan
Xuseen Ismaaciil (Cadami) ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay
xafiiskiisa waxa uu kaga xog-waramay socdaal hawleed oo uu dibada
kuna soo maray qaar ka mid ah wadamada Qaarada Africa.
Mr.cadami waxa uu aad uga waramay
socdaalkaasi iyo meelaha ay ku soo mareen isaga oo xusay in uu
socdaalkaasi ay ku soo dhameeyeen muddo toban maalmood ah. Guddo
oomiyuhu waxa uu sheegay in socdaalkoodani uu la xidhiidhay
Barnaamijka Tayaynta shaqaalaha iyo shaqaalaha ee Dawlada oo ay
baryahanba ku hawlanaaayeen isagoo sheegay in ay gacan ka gaysan
doonaan hay’ado badan oo ay ugu horayso UNDP.
C/raxmaan Xuseen, Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawladu waxa uu
xusay in socdaalkiisan ay ku weheliyeen 13 agaasime guud iyo
xisaabiyaha guud ee Qaranku. Waxa uu sheegay in socdaakoodan ay ka
heleen waayo aragnimo iyo aqoon korodhsi ay ka heleen socdaalkooda.
Waxa kale oo uu tilmaamay In wadamada ay soo mareen ay ka mid
ahaayeen Ruwaa nda,Tansaaniya iyo Ugaandha.
Mar uu guddomiyuhu ka hadlayay dadaalka dawladahaasi ee dhinaca
shaqada waxa uu sheegay In sideeda subaxnimo ilaa shanta galabnimo
ay shaqeeyaan wadamadaas oo si joogto ah aqoontooda kor loogu qaado.
Mar kale oo uu ka hadlaayay xilka iyo waajibaadka in dib u dhaca
Ummada ku yimaada iyo horumarka ay saamayn ku leeyihiin shaqada oo
badata ama yaraata. Waxana lagama maarmaan ah-buu yidhi, in xil la
iska saaro shaqaalaha si ay u noqon lahaayeen kuwa fahma ama garta
saacadaha shaqada oo la badiyo.
Guddoomiyaha Hay’ada shaqaaluhu wuxuu sheegay in wadamada ay
socdaalka ku soo mareen ay ahaayeen wadamadii uu hore Madaxwaynuhu
socdaalka ugu soo maray, taasina ay ahayd-buu yidhi, tallaabo noo
sahashay oo noo gogol xaadhay buu yidhi isla
markaana ay noo aqoonsadeen madaxda dawladahaasi.
Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawladu waxa uu carbaabay in Kooxda
labaad ee agaasimayaasha wasaaraduhu ay tababaro ugu kici timi
doonaan dalalkaasi.\
Mustafe future
Longlivesomaliland News
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office
|