Guddoomiyaha Kulmiye & Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Kulan Ku Yeeshay Addis Ababa Iyo Nuxurka Qodobada Ay Isla Soo Qaadeen

 

 


“Waxa Kale Oo Aanu Kulan La Yeelanay Ganacsadaha
Al-Camuudi Oo Aanu Ku Casuunay Inuu Somalil and Yimaado Oo Aanu U Sheegnay In Xukuumaddii Hore Meesha Ka Baxday” Axmed Cilmi Yare Oo Ka Mid Ah Weftiga Xisbiga Kulmiye



Hargeysa, May 6, 2011 (TNN ) – Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Itoobiya Malas Zanawi, isla markaana ah Hogaamiyaha Xisbiga EPRDF ee dalka Ethiopia ayaa maalintii shalay kulan ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Kulankan ayay labada Masuul kaga wada hadleen arimo ku saabsan xidhiidhka qotoda dheer ee u dhe xeeya Somaliland iyo Ethiopia ee muddada dheer soo jiray iyo sidii loo xoojin lahaa amaanka labada dal la iskagana kaashan lahaa guud ahaan wixii khatar ku ah mandaqada iyo xasiloonida labada dal.

Weftigan uu hogaaminayo Muuse Biixi oo Arbacadii todobaadkii hore u socdaalay dalka Itoobiya oo ay ka heleen Martiqaad Rasmi ah oo ay u soo direen masuuliyiinta xisbiga EPRDF ee dalka Itoobiya hoga amiya ayaa waxa ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbigaasi C/raxmaan Maxamed Tal yanle iyo Axmed Cilmi Yare oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbigaasi Kulmiye, ayaa mudadii ay jooge en waxa ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen Masuuliyiinta Xisbiga EPRDF, xubno ka tirsan golaha wa siirada iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradaha Shisheeye ee fadhigoodu yahay Addis Ababa.

Wetigan uu horkacayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa maalintii shalay ka qayb galay mid ka mid ah xusaska loo samaynayo 20 guuradii ka soo wareegtay markii uu xisbigaasi EPRDF ka tuuray xukun ka dawladii Dergiga.

Waxaana sidaasi Haatuf u xaqiijiyey Axmed Cilmi Yare oo ka mid ah weftiga Kulmiye ee booqashada ku jooga dalka Itoobia oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo jooga Addis Ababa, wax aana hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Socdaalkayaga aanu ku joogno dalka Itoobiya intiisii badna yd way noo soo gabogabowday, waxaanu saaka (shalay) kasoo noqonay gobolka Awasa oo aanu boo qasho ku tagnay, maanta oo Sabti ahna (shalay) waxaanu ka qaybgalay shir lagu qabtay xarunta Mili niyamka oo uu kasoo qaybgalay Raysal Wasaare Malas Zanawi iyo madax kale oo ka kala socotay daw lada iyo xisbiga talada haya dalkaasi ee EPRDF, shirkaasi ka dibna waxaanu kulan gaar ah la yeelanay Raysal Wasaaraha dalkaasi Malas Zanawi oo runtii sifiican noo soo dhaweeyey, isla markaana aanu ka wada hadalay xidhiidhka labada dal iyo iskaashi dhex mara labada xisbi iyo guud ahaanba xaaladaha Mandaqada Geeska Afrika”.

Axmed Cilmi yare isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu kulan la yee lanay ganacsadaha Al-camuudi oo aanu ku casuunay inuu Somaliland yimaado oo aanu u sheegnay in xukuumaddii hore meesha ka baxday, safaaradaha dawladaha Africa iyo America u jooga magaalada Addis Ababa intooda badan waanu la kulanay, waxa kaliya ee noo hadhay waa safaarada dalka UK oo aanu Isniinta casuumad wada leenahay, maalinta Salaasadana waxaanu ku rajo-weynahay inaanu dal ka kusoo laabano runtiina safarkayagii Itoobiya si wanaagsan ayuu noogu hirgalay”.
 

Source:(Haatuf