Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo wefti uu hogga aminayo oo safar ugu baxay Dalka Itoobiya

 

 

Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxwey naha xisbal-xaakimka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar ugu baxay dalka Itoobiya galabta.

Weftiga Guddoomiyaha oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Xa aji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta xukuumaddii xisbigii UDUB Md. Axmed Xaaji Daahir oo hadda ka tirsan xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ka dhoofay gar oonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana isla galabta gaadhay magaal ada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiinta wehelinaysa oo lagu wado inay halkaas kaga biiraan wasiirro kale oo xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dib adda Dr. Sacad Cali Shire oo hadda ku sugan dalka Jabuuti, Wasiirka Madaxtooyada Max amuud Xaashi Cabdi iyo xubno kale, waxa ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhaa martiqa ad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Itoobiya iyo xisbal-xaakimka haya talada dalkaa si.

Safarkan weftiga Somaliland oo qaadan doona muddo ilaa saddex maalmood ah waxa la filayaa inay la kulmaan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Hailemaraim Desalegn iyo masuuliy iin sarsare oo ka tirsan dawladdiisa iyo xisbigeeda EPRDF oo ay ka wadahadli doonaan arrimo ku saabsan danaha labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya iyo shucuubtooda.

Socdaalkan Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo wasiirro xukuumadda ka tirsani ku tage en dalka Itoobiya, ayaa noqonaya mid sii xoojiga xidhiidhka iskaashiga iyo cilaaqaad ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.