Guddoomiyaha KULMIYE oo ku canaantay dawladda Somaliland iInaanay Kenya Siin muhiimaddii ay lahayd

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay

ee socdaalka ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, waxaana madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa loogu soo dhaweeyay si ballaadhan.

Guddoomiyaha KULMIYE oo ay soo dhaweyntiisa ka qeybqaateen boqolaal ka mid ah taageereyaasha xisbigiisa oo watay gaadiid aad u fara badan, waxana madaxda soo dhaweysay ka mid ahaa Guddoomiye-ku-xigeenmadiisa, Xogahayaha Guud ee KULMIYE, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada iyo xildhibaanno aad u tiro badan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada kaga jira KULMIYE.

Md. Axmed-Siilaanyo oo qolka nashashada ee madaarka ugu warramayey saxaafadda ayaa ka warbixiyay natiijadii socdaalkiisa, waxaanu yidhi; “Farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta halkan dalkaygii ku soo noqdo, muddo ayaa safar ugu maqnaa dalka Kenya magaalada Nairobi, halkaas oo aan anniga, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir [Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE] iyo xaaskaygu booqasho shakhsi ah u tagnay, annaga oo halkaas naloogu soo dhaweeyay si aad iyo aad nooga farxisay. Qiimo iyo qadarin aanaan marna gudin karin naloogu soo dhaweeyay. Halkaas waxaan ugu tagnay marka ugu horeysa dadweyne aad iyo aad u fara badan oo reer Somaliland ka soo jeeda oo reer Kenya ah oo danneeya oo qalbiga aad ugu haya Somaliland iyo aayaheeda oo jecel in wax u qabsoomaan oo wax u hagaagaan."

Waxa kale oo aad ugu hambalyeeyay jaaliyadda Somaliland ee dalka Kenya sidii ay u soo dhaweeyeen weftigiisa, waxaanu yidhi; "Dadkaas waxaanu aad iyo aad u bogaadinaynaa sharafta iyo qiimaha ay nagu soo dhaweeyeen."

Md Siilaanyo oo ka warramayey masuuliyiintii uu kula kulmay dalka Kenya waxa uu yidhi; "Waxa kale oo muddadii aanu dalkaa Kenya joognay aanu kula kulanay masuuliyiin fara badan oo ka tirsan dalkaa oo uu Madaxweyne-ku-xigeenku uu ugu horeeyo oo Wasiirro leh iyo masuuliyiin kale ayaanu la kulanay.

Waxa kale oo aannu la kulanay safaarado ka mid yihiin Safaaradda Maraykanka, waxaanu la kulanay ninka Dhiinka u ah safaaradaha EU-da ,ahna safiirka Yuslafaakiya ah, waxa kale oo la kulanay safaaradaha afrikaanka qaar ka mid ah sida safiirka Ruwanda oo kale. Waxaanu la kulanay Qaramada Midoobay ninka wakiilka ka ah Xoghayaha Guud. Waxa kale oo aanu la kulanay deeq bixiyeyaasha maamula doorashooyinkeena, hay’adaha ka shaqeeya sida IRI oo kale oo aanu kala hadalnay wixii khusaynayay hawlaheena la xidhiidha geeddi-socodka dimuqraadiyadeena."

"Iska dhaaf marka laga yimaado dadweynaha aadka u xiisaynaya ee arrimaha Somaliland oo caadifad wanaagsana u haya, dunidu diyaar ayay u tahay ama u xiisaynaysaa aayaha Somaliland waxay ku sugan tahay qiimo weyna u leh xasiloonida iyo degenaanshaha ay ku sugan tahay, waxay aad u xiisaynayaan doorashooyinka soo socda iyo mustaqbalka aynu leenahay intaba, "ayuu raaciyay Guddoomiyaha KULMIYE.

Md. Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in aanay xukuumadda Somaliland muhiimaddii Kenya lahayd siin, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Waxaanu aad ula yaabnay oo runtii markaanu Kenya tagnay dareenkeedu aad noogu xooggaystay ahmiyadda Kenya leedahay ama xarakada Afrika oo dhan ka socota ha noqoto nabadeyntii Somaaliya, ta Geeska Afrika iyo Afrikaba doorka ay ka ciyaarto dawladooda iyo madaxdoodu, arrimaha Soomaaliya iyo mandaqadda oo halkaas door laxaad leh ku leh xiisaha la innoogu qabo iyo sida ahmiyaddii ay lahayd oo haddaynu Somaliland nahay aynaa siin dalka Kenya, innagoo intaas oo dhan u dagaalamaynay inaynu ictiraaf helno oo Afrika ina qiimayso oo dalalka mandaqaddu ina qiimeeyaan. Warka laga hayaa dalkeenna iyo siyaasadihiisa markaad eegto runtii aad buu u yar yahay, markaa annagu waxaannu la soo noqonay kollay iyo kollayba dareenkaa fiican oo keliya maahee ahmiyadda ay leedahay inaan halkaa ka muuqano. Waxaan xsuustaa mar dalka laftiisa doodo ka dhici jireen oo la odhan jiray in sida Nairobi oo kale xafiisyo ka furano, waynu leenahay nin danaheena ilaasha oo safaarad ku magacaaban, xafiis ma leh, wax uu ku shaqeeyo ma leh cid ka war qabtaana ma jirto."

"Waxyaabaha aannu la kulanay waxa ugu yaabka badnaa markaannu Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya la joognay, in xataa dawladda Kenya aanay ka war-qabin oo Wasiir Khaarjiyaheena weli u haystaan Edna tahay. Markaa annagu waxaannu isweydiinaynay qolyahan maalin walba innaga taga ee sii socda ee soo socda miyayna hudheelladaba dhaafin ayaan isidhi, waayo halkaas cid ka taqaanna maanu arag," ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu mar kale ammaan ballaadhan u jeediyay dhallinyarada, ragga, haweenka jaaliyadda Somaliland ee dalka Kenya oo uu xusay in weftigiisa si weyn oo niyad-sami leh u soo dhaweeyeen. "Waxa kale oo aan halkan jecelahay inaan mahadnaq ballaadhan oo kal iyo laab ah uga soo jeedino jaaliyadda Somaliland ee Kenya , ballanna waanu u soo qaadnay inaynu dedaal geli doono oo aynaan Kenya iminka iyo mustaqbalkaba oo meeshaasi ka maarmin oo aynu ka muuqano."

Intaaska dib weriyeyaasha shirkaa jaraa'id ka qeybgalay waxa ay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE weydiiyeen su'aalo dhinacyo kala duwan taabanaya, su’aalahaas iyo jawaabihii Axmed-Siilaanyo ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Guddoomiye, dhawaan waxa shabakadaha internet-ka ee laga xukumo madaxtooyada lagu faafiyay warar sheegaya inaad la kulantay Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo aad ka dalbatay inaad Ra’iisal-wasaare u noqoto Soomaaliya, arrimahaa maxaa ka jira?

Jawaab: Waxay muujinaysaa xilkasnimo darrada ay dawladu leedahay ayay muujinaysaa, wax ka jiri kara iyo wax ka jiraa midna ma jiro, waxaasi waa ishaacad, hadii ay jirto annigu ma maqal oo ma ogiye, waa wax aan waxba ka jirin oo iska diciif ah. Oo muujinaya inaanay wax ay ka warqabaan iyo wax ay la socdaan toona jirin.

S: Waxaad sheegtay in dawladda Kenya ay weli u haystaan in Marwo Edna Aadan ay tahay wasiirka Arrimaha dibedda, waxaana jiray in wefti Madaxweynaha iyo wasiiro ahaa ay hore u tageen, arrintaas sidaa loo rumaysan karaa?

J: Annagu waxaanu idiin sheegnay wixii aanu aragnay intii idinka maqnayn, waxaanuna ka maqalay Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya afkiisa.

S: Diblamaasiyiintii aad la kulanteen maxay idiinka ballanqaadeen?

J: Ballanqaadka waxyaabaha aanu ka codsanaynay ee ugu waaweynaa waxaa ka mid ah, markaanu arrimaha qaranka iyo marxaladaha jira kala hadalno, waxaanu kala hadlanay in culayska nalala saaro horumarinta dalka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Waa tii Qaramada Midoobay qiimayntii ay soo saartay kaalinta afraad la innagala dhigay, taas aad iyo aad ayaan ugala hadalnay in maadaama wakhtigii doorashooyinku soo dhaw yihiin in loo baahan yahay joogitaanka goob joogeyaasha caalamiga ah, kollayba waxay balan naga qaadeen in arrintaasi aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin, runtiina ad iyo aad ayay u xiisaynayeen doorashooyinka soo socda.

S: Maxaad Raila Odinga ka wada hadasheen?

J: Ayaan-darro Raila Odinga Ra’iisal-wasaaraha Kenya lamaanu kulmin, waa la ii sheegay in warkaasi soo baxay, dedaalkii iyo niyaddii aannu u haynay inaanu la kulano, balse arrintaasi farsamo ahaan ayey u suurtogeli weyday ee waxaanu isaragnay Madaxweyne-ku-xigeenka.

 


TogdheerNews