Guddoomiyaha Kulmiye Oo Shaaca Ka Qaaday In Heshiiskii Lagu Gaadhay In Doorashadda Madax-Tooyadu Soo Horayso Aanay Waxba Iska Badalin
 

“Doorashooyinka Wada Qabashadoodu Way Isa Suul Daarayaan Waa Laysku Iibsanayaa, Waji Kale Ayaanay Yeelanayaan“

“Cid Kastaaba Hasoo Jeedisee Markii Ay Noo Muuqatay In Doorashooyinka Ay Mud’a Ayaa Loo Arkay In-Ta Madax-Tooyadu Ay Ugu Muhiimsantahay“
Axmed Siillaanyo
 

Hargeysa, December 16, 2009 (Ti,acade News) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee kulmiye Axmed Maxamed Maxamud (Siillaanyo) ayaa sheegay in heshiiskii ay sadexdooda hogaamiye xisbi qaran ku gaadheen badhtamihii 2008-dii in doorashada madax-tooyadu kasoo horayso doorashada golayaasha deegaanka aanay jirin wax iska badalay isagoo intaa ku daray in hadii doorashooyinka hal mar la wada qabto ay keenayaan wajiyo kale oo laga faa’idaysto, tilmaamayna in fikirkaasi layskula qaatay soo hor marinta  doorasha da madax-toyada ay u arkeen in doorashooyinka kale ay ka mihiimsan tahay dal ahaan marka loo eego ta golayaasha deegaanka.

Gudoomiyaha xisbiga Axmed Siilaanyo oo waragayka Haatuf xalay khadka telefoonka  aa nu xoog waraysi kala yeelanay mawqif kooda ku wajahan dalabka hogaamiyayaasha urur siayaasadedka UDHIS ay kasoo jediyeen in doorashada golayaasha deegaanka laga soo horaysiiyo ta madax-tooyada iyo asbaabaha keenay in doorashada madax-toyadu ay  m udnaan ka siiyeen ta galayaasha deegaanka.

Axmed silaanyo oo ka hadlaya arinkaasna waxa uu ydhi “ sababta ay lahayd in lagu  hesh iiyo in doorashada madax-tooyadu la hor qabto waynu ognahay in doorashooyinkii  gola yaasha deegaanka, madaxtooyadda iyo golaha guurtiduba ay mudadoodii dhaafeen mid aan wakhtigeedii dhaafina ma jirto markii laysla wada arkay muda dhaafkoodii ayuun baa mid kasta loo arkay in mudnaan kala leeyihiin, horay noogu muuqatay in doorashada  ma dax-tooyadu marka la eego dal ahaan doorashada madax-tooyadu ay tahay ta ugu  mihii msan ee kuwa kalana fure ay ku wada xidhmaan u noqon karta, maba’adiidi heshiiskaasi iyo dareenkii sidaas ahaa waxba iskamay badalin wax cid gaar ahi goysana may ahayn ee taariikh daasi ayuun bay ku timid”

S: madax wayne riyaale waxa uu sheegay in labadiina xisbi mucaarid ee kulmiye iyo ucid aad sabab u ahaydeen in doorashada golayaasha degaanka dib loo dhigo, taas  darteed na la sheegay in soo jeedintaasi uu idinka aqbalay, tanaasulkii aad ka samayseen mudo kordhintii sanadka ahayd ee Guurtidu u sameeyey badhtamihi 2008-dii taas maxaad ka leedahay ?

J: cid kastaaba hasoo jeedisee figradii macquulka loo wada arkay ayuun baa laysla  qaat ay umaduna aqbashay,taasina wax iska badalay ma jirto

S: maadaama doorashadii madax-tooyadu aanay ilaa hada qabsoomin golayaashii  deega amaduna ay mudo 2 sano ah xilkoodii soo dhaafay, golahii gurtiduna sadex sano mudo  dh aaf ku fadhiyaan, golahii wakiilada ee la soo doortay 2005-tii mudadoodii shanta sano  ah aydna 9 bilood ka hadhsan tahay miyaan la odhan Karin afartii doorashaba way isa  so o gaadheen oo talo qaran ayaa loo baahan yahay wada qabashadeeda ?

J: Sababahii markii hore laysugu qabtay in doorashooyinka la wada qabto ee laysku  dii day waa tii lagaga gudbay in dooashooyinka la kala seero, oo ta madaxtooyada la hor qabto, wada qabashada dorashooyinkuna way isa suldaareeyaan oo waji kale ayay  door asahooyinka u yeelayaan oo waa laysku iibinayaa maadaaama doorashada  madaxtooya du muftaax u tahay doorashooyinka kale, marka aynu dorashada madaxtooyada Insha Alla dhacdo ayaynu doorashooyinka kalena qaban doonaa, anigase ra’iyi ahaan waxay iila muuqataa taladii hore e aynu ku gaadhnay mudnaanta madaxtooyada wali kamaanu guurin ee halkii aynu dhignay ayay taalaa.

 


Source:Haatuf