Guddoomiyaha KULMIYE oo Tacsi U Diray Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Oo Hooyaddii Ku Geeriyootay Hargaysa

 


Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, a hna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud shacabka Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Sahra Xaaji Jaamac (Ina Xaaji Dhagax) oo ku geeriyootay maga alada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 17 April 2017.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu geerida Marxuumad Sahra Xaaji Jaamac si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ay hooyadii ahayd iyo dhammaan reer Suldaan Maxamed oo dhan.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka war aabiyo, qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE