Guddoomiyaha KULMIYE oo Xukuumadda Rayaale ku eedeeyay inay ka dambayso khilaafka Guurtida

 


Hargeysa (Timacade News)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE  Axm ed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku   eed eey ay inay ka dambayso khilaafka ka dhex aloosmay Golaha Guurtida, taas oo uu  sh eegay inay ku doonayaan in mar kale ay doorashada dib ugu dhigaan, si muddo-kord hin loogu sameeyo.

Guddoomiyaha KULMIYE oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Maraykanka, a yaa wuxuu ka waramay ujeedada socdaalkooda oo uu sheegay in uu la xidhiidho sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen shacabka Somaliland iyo taageerayaasha Kulmiye ee Maraykanka ku dhaqan. Isla markaana, wuxuu sheegay in ay qiimo weyn ugu fadhido Xisbi ahaan inay la kulmaan madaxda dalka Maraykanka. Waxaanu sheegay in ay  diy aar u yihiin inay Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan xidhiidh adag oo la xidhiidha  dh inacyada dhaqaalaha iyo dibloomaasiyadda.

Axmed-Siilaanyo waxa uu ka hadlay rejada ay Kulmiye ahaan ka qabaan Doorashooyin dalka ka qabsoma. “Doorashadu aad iyo aad ayay nooga xumaatay, muddo 7 sanno ahna waxa joogay maamulka maanta jooga oo wax ay shacabku raalli kaga ahaayeen ma ahayn. Distoorka jebintiisu wax farabadan bay ku timi, marba sabab ha laga dhigto Doorashadaa marba dib u dhacayay, markii u dambaysay waxay na gelisay qalalaase aad u wayn, kuwaas oo runtii wax wayn u dhimay, dhaawacayna sumcaddii aanu dal ahaan lahayn ee aanu ku lahayn xasilloonida iyo deganaanshaha, markii dambena  wa xay sababtay in saaxiibada aanu dibedda ku leenahay iyo Deeq-bixiyayaashu ay soo dhex galaan arrinta oo ay qaboojiyaan, waxna nala qabtaan oo markii u dambaysay la gaadhay Heshiis..Kaas ayaanu ku fadhinaa oo ku sugaynaa, Insha Allaahuna Ilaahay ka baryaynaa in uu noqdo mid shaqeeya oo aanay Dawladdu ku wacad-furin ee ay si dhab ah u fuliso.” Ayuu yidhi Siilaanyo oo xalay u waramay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.

Mar Guddoomiyaha wax laga waydiiiyay sida ay u arkaan khilaafka ka dhex aloosmay Golaha Guurtida, waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka  dambay so, isla markaana ay ku doonayso sidii mar dambe loogu kordhin lahaa muddada xil-haynta. “Arrintani intay dalka ka dhacaysay waan ka soo maqnaa, laakiin kollay iyo kollay mid baan kuu sheegayaa ee aad iyo aad baanu uga xunnahay arrimaha ka  dhac ay Guurtida, qofkii taariikhda Somaliland la socda ayaa la socda’e, Guurtidu waa  Ha y’adaha ugu waawayn ee magaca iyo sharafta ku leh Somaliland, ilaa imikana way  yih iin, taariikh ahaanna door wayn ayay ka ciyaareen. Haddaba, in badan Dawladda  maa nta jirtaa waxay rejaynaysay in maamulka Guurtidu uu mar walba noqdo mid iyaga la jaan-qaadaya, maadaama iyagu (Guurtidu) ay sharciyan awood u leeyihiin inay  kord hiyaan, si iyaga mar walba looga dhigto Sallaankii loo fuulayay kordhinta.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “In badan bay Dawladdu isku dayday oo ay kharash badan gelisay oo ay isku dayday inay siday doonayso u  isticm aasho. In dhawayto Guurtidu aad bay isku soo taagtay, waayo Guddoomiyahooda iyo guddiyadooda qaarkood ayaa doonay inay dhex ka noqdaan sida waajibku yahay, da badeed imika waxa igu maqaalo ah Guddoomiyiina waa kan maqan, waxa la damcay in laga faa’iidaysto. Anagu waxaanu u aragnaa hawshan dawladda ayuun baa ka  damba ysa ee cid kale kama dambayso. In xeer-hoosaadka (Guurtida) la bedelo ayaa in  bad an laysku dayay, way u suurtogeli wayday, waxa loo socda oo dhamina waxa weeye si fursad loogu helo tiro yar oo kooban (codad) oo Guddoomiyaha lagu bedelo.”

Sidoo kale, mar la waydiiyay nuxurka ka dambeeya bedelaadda Guddoomiyaha  Guurti da, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Waxa loola jeedaa, waxaanu u aragnaa in maadaama ay Dooorashadii soo dhawaatay, ay mar kale dawladdii rejaynayso in  aan ay Doorashadaasi dhicin ee mar kale ay Guurtidu u kordhiso oo ay mar dambe  carqal ad wax geliso. Waxaan rejaynayaa in aanay arrintaa dadka reer Somaliland-na yeelin, Guurtida maanta joogtaana aanay aqbalin.”



Xigasho: Wargeyska Ogaal