Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo sheegay in Qaranku ku dhismayo sharciga oo la isku xakmeeyo

 



Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa sheegay in qaranku ku..........


Hargeysa (TNN) - Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa sheegay in qaranku ku dhismayo sharciga oo la isku xukumo iyo in sharciga loo fahmo inuu yahay ka ugu sareeya.

Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu tallooyin u jeediyay ciidamada booliska iyo xafiiska xeer ilaalinta qaranka, waxaanu u soo jeediyay in marka ay qof muwaadin ah dambi ku soo oogayaan ama ay soo xidhayaan maraan dariiqa sharcigu ogol yahay, balse aanay si jacbur ah awood ugu addeegsadaan.

Guddoomiyaha Maxkamada sare oo maanta ka hadlayey shir ka furmay Magaaladda Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in xeerka ciqaabta guud uu qabanayo qof kasta, isla-markaana aanu xitaa ka baxnayn Madaxwaynuhu.
Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu ciidamada booliska ugu baaqay inay waaran u qaataan soo qabashada wariyayaasha haddii kiis ka gallo, isaga oo xusay in sharafta saxaafadu dhowran tahay.

Yuusuf Ismaaciil Cali, oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay qarankeenu waxa uu ku dhismayaa sharciga oo la isku xukumo, sharciga oo aynu ogolaano in sharcigu noqdo ka ugu sareeya ee aynu ka wada dambayno, xeer ilaaliyow ha dhibsanin haddii lagu yidhaahdo kiiska aad soo oogtay cadayntani kuma fila ee cadayn kale keen, haddii aanad hayna la noqo, ha u qaadan in adiga lagu caayey ama xafiiskaaga wax laga sheegay, u qaado caddaaladii oo laguu tilmaamay oo ku qanac”

Guddoomiyaha oo la hadlaya booliska ayaa yidhi “Boolisow marka lagu yidhaahdo maxaad qofkan u soo qabatay markaad xaakinka hor-keento, haddii aanad waxba ka qorin dhib-banaha ama isagu (dhibbana) aanu sheegayn maaha in xabsiga lagula ordo”

Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu tallo u jeediyay xeer ilaaliyaasha qaranka “Xaakimow adiguna ha is odhanin awoodbaad leedahee waxaad doonto samee, marka Waaran qabasho ah lagaa soo dalbado u soo saar haddii ay dhamaystiran yihiin shuruudihii waaranka lagu soo saarayey”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Qof aan dambi galin ma jiree qolada Wariyayaasha xuquuqdoodu way dhowrsan tahay, maaha in cid walba xabsiga intay gasho ay maxbuus xukuman ay iska sawiran karto oo ay ka warami karto maaha, qofku inkasta oo uu dambi galay ILAAHAYBAA ina yidhi sharafta ilaaliya oo ku tunta la inama odhanin, qofku haddii uu dambi gallo intiisa yaan loo dhaafin, ILAAHAY ma jecla kuwo xad-gudba”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Xeerka ciqaabta guud, qof walba wuu qabanayaa, Madaxwaynuhu kama baxsanayo, qolada saxaafada waxaan leeyahay xeerkiinu wuxuu nidaaminayaa shaqadiina ee ku dhaqma, aniguna idiinma damaanaq qaadayo inaan qalinka dambi lagu galin, waxaanan jecelahay saxaafadeenu door wayn bay leeyihiin ay doorkooda gartaan, in lagu tacadiyana ma jecli, in xeerkooda la ixtiraamo ayaan jecelahay, waxaanan ka murugoodaa boolisbaa galay qolkoodii xafiiska u ahaa iyaggoo bilaa waaran ah, nimankani qalinbay wax ku qoraan oo ma qarxaan oo wax qarxa meesha ma soo dhigtaane bilaahi Caleek markaad xafiisyadooda galaysaan maxkamadaha ka codsada inaad gashaan (Waaran soo qaata)”
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland