Guddoomiyaha UCID oo Digniin u Jeediyey Dadweynaha Reer Somaliland ee aan Qaadan Kaadhka Aqoonsiga

 


Muddada dheeraadka ah ee qaadasha kaadhadhka oo Sabtida ka bilaabmaysa degmooyinka dalka oo dhan

“Xubno ka mid ah dawladda oo isugu jira badhasaabyo iyo wasiiro ayaa doonaya in ay minjo-xaabiyaan diiwaangelinta” Md. Faysal Cali-waraabe

Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ay aa digniin u jeediyey dadweynaha reer Somaliland ee aan qaadan kaadhka aqoonsiga, isaga oo caddeeyey in kaadhadhka dadweynuhu qaadanayaan aanay ahayn oo kuwo waqtiga  doo rashada oo qudha lagu codaynayo, balse uu yahay kaadhkii aqoonsiga ee caddaynayey in aad tahay muwaadin reer Somaliland.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo shir-jaraa’id shalay ku qabtay xarunta xisbiga UCID ee  magaala da Hargeysa, waxa uu sheegay inay iman doonto maalin ay qofka aan kaadhka aqoonsiga qaadan ku adkaan doonto inuu carruurtiisa dugsiyada waxbarashada la qoro, isla markaana aan cusbitaallada lagu daweyn karin, kaadhadhkaas oo uu xusay inay yihiin kuwii lagu kala saaray qofka Somalilanderka ah iyo dadka ajaanibka ah.

“Waxaan jecelahay in aan shacbiga reer Somaliland u sheego macnaha ay leedahay  diiwaa ngelintu iyo kaadhkan aqoonsiga ah ee la bixinayaa, waxa aan filayaa in uu dadkeenu  yaqaa nay in dibadda loo safro, uu ka warhayay in suuqyada dadka lagu joojiyo lana raafo, dadkaa s dhibaatada badan la gaadhsiin jirayna la wadiiyo oo keliya keen aqoonsigaagii, markaa  ma anta aqoonsigan aad qaadateen maaha mid aad ku codaynaysaan oo keliya, balse waa kii caddaynayay inaad reer Somaliland tihiin.

Ku darsadoo waxa iman doonta maalin qof aan aqoosi sidan carruurtiisa loo oggolaan in  isk uulada la qoro, cusbitaalada aan lagu daweynayn, waxaana la kala saarayaa in aad tahay Somalilander iyo in kale,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiyaha UCID waxa kaloo uu jawaab kulul ka bixiyey eedaymo wasiirro ka tirsan  xuku umadda Rayaale iyo Badhasaabka Hargeysa u jeediyeen Komishanka Doorashooyinka, kuwa asi oo uu ku tilmaamay inay doonayaan sidii ay u minjo xaabin lahaayeen hawsha  beddella adda kaadhadhka cusub.

Md. Faysal Cali-waraabe oo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xubno ka mid ah  daw ladda oo isugu jira badhasaabyo iyo wasiirro ayaa doonaya in ay minjo xaabiyaan  diiwaange linta. Wasiirradan iska had-hadlaya may ahayn in ay iska hadlaan, Badhasaabkuna waxa  qu rux badan in uu ka hadlo gobolkiisa oo keliya, maaha in uu ka hadlo arrimo kale oo aan isaga qusaynin, haddaynu nahay reer Somaliland habkii dawladnimo oo dhan ayaynu baabi’inay.”

Guddoomiyaha UCID waxa uu ammaan u jeediyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo ciidammada qalabka sida, “Waxaan halkan ammaan uga soo jeedinayaa xubnaha komishanka doorashooyinka oo hawshii loo igmaday ilaa hadda si habsami ah u gutay, waxaanay  ilaash adeen madaxbannaanidoodii, waxa kale oo ay ilaashadeen awoodii uu sharcigu siinayay, aad iyo aad ayaad ayaanan runtii ugu mahadnaqayaa. Waxa kale oo aan iyagana u  mahadnaqay aa ciidamada qalabka sida kuwa nabadgalayada iyo kuwa difaacaba oo iyaga oo xaalkooda ilaahay uuni ogyahay hadana iskaa waxa u qabso ku shaqaynayay,” ayuu yidhi Md. Faysal Cali-waraabe.

Dhinaca kale, sida uu Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay Guddoomiyaha dhinaca wacyigelinta u qaabilsan Komishanka Doorashooyinka Dr. Cabdi Baashe Cabdi (Shibbiin), mudada  dheeraa dka ah ee qaadashada kaadhadhka codaynta oo qorshuhu ahaa inay xarumaha  degmoo yinka dalka maanta ka bilaabanto, ayaa dib ugu dhacay maalinta Sabtida beri oo taariikhdu tahay 22 May 2010, iyadoo hawshaasina socon doonto muddo toban maalmood ah.



Source: Jamhuuriya Online