Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga Oo Hambaly eeyay Ururadda Isdiwaan Galiyay, Sheegayna In Uu Soo Dhoweenayo Urur Kasta Oo Doonaya In Uu Ku Soo Biiro Ururkiisa
 

 

 

 


“Gudidan diiwaan gelintu waxay qabteen hawl weyn oo balaadhan.." Gudoomiyaha Jamhuuriga .....


Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Jamhuuriga Mudane. Cismaan Xasan Mirre, ayaa sheegay in uu si weyn usoo dhaweeynayo ururadda siyaasadda dhigiisa ah ee ka soo gudbay, marxal adda wajiga kowaad ee is diiwaan geiinta ururadda siyaasadda.

Guddoomiyaha Jamhuurigu waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta u waramayay warbaahinta, w axana uu sheegay in uu si farxad leh u bogaadinayo Gudidda diiwaangelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka oo uu xusay inay hawl weyn qabteen“Gudidan diiwaan gelintu waxay qab teen hawl weyn oo balaadhan wakhti kasta oo aad xafiiska ugu tagtid waxaad ugu imanaysaa iyagoo jooga, waxaan ku hambalyaynayaa hawshii ay u dhabar adaygeen soona saareen natiijadii ururadii is diiwaan geliyay waxay sheegeen in 15 urur siyaasadeed ay buuxiyeen shuruudihhii xeerka ku qornaa, runtii aad ayaanu u soo dhawaynaynaa inaanu ka mid noqonay ururadii sida sharciga ah isku diiwaan geliyay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Jamhuurigu.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inay dhowaan bilaabi doonaan in ay ka hawl galaan siddii ay xafiisyo cu sub uga furan lahaayeen dhamaan goboladda, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka,” “Waxaanu u shee gaynaa bulshada Somaliland in ururka Jamhuurigu uu diyaar u yahay tartanka doorashada Goleyaas ha deegaanka, mana jiro wax dhulka naga yaalaa, waxaanu hadda bilaabaynaa sidii aanu ku gudo jirn aa sidii xafiisyadii goboladda aanu u furan lahayn,” ayuu yidhi gudoomiye Cismaan Xasan Mirre.

Ugu danbeyntii waxa uu gudoomiyuhu sheegay in uu soo dhaweynayo inay wada hadalo la yeeshaan ururadii aan is diiwaan gelin waxaanu carabka ku dhuftay in urur kasta ay u furan tahay in uu ku soo biro ururka Jamhuuriga.
 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office