Guddoomiyaha Wakiiladda oo Xukuumadda ugu baaqay soo qabashada dhagar qabeyaal dishay sadexda qof



 


Ceerigaabo (TNN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa ugu baaqay xukuumadda iyo hay’adaha amniga inay gacanta ku soo dhigaan gacan-ku-dhiigleyaashii xalay saddexda qof ku dilay deegaanka Saameel ee degmada Baki ee gobolka Awdal, isla markaana waxa uu shacabka gobolada Awdal iyo Gabiley ku dardaarmay inay nab adgelyada ilaaliyaan.

Guddoomiyuhu waxa sidan ka sheegay shirjaraa’id oo uu maanta gelenkii danbe ku qabtay m agaalada Ceerigaabo oo wefti ka tirsan ururka WADANI oo uu hogaaminayaa ay ilaa shalay u joogeen hawlo shaqo.


Guddoomiyuhu waxa uu hadalkiisa ku bilaalay oo uu yidhi “Waxa aanu tacsi u diraynaa qoysa skii ay ka geeriyoodeen saddexdii muwaadin ee shacbiga ahaa ee xalayto lagu miray Saame el oo ka tirsan degmada Baki. Waxaanu tacsidaa u diraynaa qoysaskii, qaraabadii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen saddexdaa muwaadin. Waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu jannadii far dowsa ka waraabiyo, dhammaanteen-na inuu samir iyo iimaan innaga siiyo.”

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaanu cambbaaraynaynaa falkaa foosha xun ee lagu dilay saddexdaa muwaadin. Waxa aanu xukuumadda iyo hay’adaha amniga u soo jeedinayna a in gacan-ku-dhiiglayaashaas la soo qabto oo sharciga la horkeeno.”

“Waxa kale oo aanu baaq nabadeed u diraynaa shacniga deegannadaas ku nool dhammaant ood gaar ahaan deegaankii Baki ee ay ka dhacday dhibaatadadaasi. Shacbiga ku nool gabol ada Gabiley iyo Awdal waxa aanu leenahay imtixaankii labaad weeye, kii hore waynu ku guu laysan-nay….insha’alaahu kanna waynu ku guulaysan doonaa. Shacbiga waxa aanu ugu baa qaynaa nabadgelyada guud iyo amniga inaynu wada ilaalino. Waxa aanu ku celinaynaa hay’a daha ambigu inay sida ugu dhaqsaha badan tallaabo uga qaadaan oo ay gacan-ku-dhiigleyaashaana soo qabtaan.”
 

Source:Somaliland.Org